Somaliland: Garabka Ucid Ee Jamaal Oo Ku Eeddeeyay Faysal Inuu Ka Raad Gadanayo Qabsoomidda Shirkii La Muddeeyay

Date:

Garabka xisbiga Ucid ee uu hogaamiyo musharaxa Madaxwaynaha ee xisbigaa  aJamaal Cali Xuseen ayaa shalay mar kale qoraal ka dhan ah gudoomiye Faysal Cali Waraabe u gudbiyay gudiga Diiwaangelinta ururada siyaasada iyo Axsaabta siyaasadda, isla markaana waxay ku eeddeeyeen Gudoomiye Faysal in aanuu dhiniciisa u hogaansamin go’aanaddii ay guddi ahaan ku dhexdhexaadiyeen.

Qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Gudoomiye ku xigeenka sadexaad Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) waxay u dhignayd sidan;

“Ku: Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta & Xisbiyada

Og: Gudoomiyaha XisbigMusharaxa Jagada Madaxwaynaha Xisbiga UCID

Ujeedo: Dhamaystirka Xubnaha Gudida Qabanqaabada

Mudanayaal;

Tixraac warqadaydii hore ee sumadeedu ahayd Gx-3/04/16 ee ku taariikhaysnayd 27/07/2016(lifaaqa). Ilaa iyo hadda oo 10 maalmood laga joogo markii uu soo baxay Go’aankii Gudida Diiwaangelintu ka soo saartay Dacwadii Khilaafka UCID 21/07/16 weli magacaabistii Gudida Qabanqaabada ee min 5ta xubnood ahayd may dhamaystirmin sababtana waxa iska leh Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen.

Waxa noo cadaatay in xubnaha rasmiga ah ee xisbiga iyo guud ahaan bahwaynta UCID ay si wayn u soo dhaweeyeen Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada/ Kala Saarista Xisbiyada una arkayaan xalka, gaar ahaan shirwaynaha aan caadiga ahayn hadii uu ku qabsoomo mudadii 45 cisho ahayd ,sida ku cadayd Go’aanka Gudida. Hase ahaatee  Gudoomiyaha Xisbigu isaga oon inaba wax la tashi iyo tixgelin ah siinin dhinicii uu isagu ku matelayay Heshiiskii Midnimada UCID ee hore labada dhinac u galeen 12/07/2012, oo haatan laga joogo muddo afar sanadood iyo maalmo ah waxa nasiib darro ah Gudoomiye Faysal mawqifkiisa horseedi kara burburka Xisbiga UCID maadaama uu ka hor yimi Go’aankii Gudida isaga oon hadana ka qaadanin racfaan oo uu xaq u lahaa inuu ka qaato hadii uu ku qanci waayay Go’aanka Gudida. Inta badan dhinacii uu metalayay Gudoomiyuhu iyo xubnihii Golaha Dhexe ee Shirwaynihii 3aad lagu ansixiyay kuma raacsana mawqifkiisa ogol-diidanka ah ee xal diidka ah waayo waxa cad inu wakhti lumis uun yahay si aanu u qabsoomin Shirwaynuhu ee u fashiliyo.

Sidaa daraadeed hadii aanu Gudoomiyuhu meel cad iska taagin Go’aankii Gudida Diiwaangelinta oo aanu ogolaan soona magacaabin xubnihii dhinaciisa ee Gudida Qabanqaabada ama aanu rafcaan ka qaadanin hadii aanu ku qancin waxanu ku qasbanahay in dhinacii UCID ee heshiiskii Midnimada UCID, inta ogol diyaarkana u ah badbaadinta Xisbigooda ay dib isugu noqdaan oo iyagu soo magacaabaan shan xubnood oo Gudida Qabanqaabada ah oo weliba aanu jecelnahay in ay dhamaantood noqdaan xubnihii Golaha Dhexe ee Shirwaynihii xisbigu ansixiyay waayo Gudoomiyuhu dhinacii UCID wuxu ka ahaa uun qof keligiina xaq uma laha in uu taladooda maroorsado. Tan kale, waxa laga yeelayo mustaqbalka Gudoomiyaha 14 sanadood soo hogaaminayay xisbiga labada fursadoodna la siiyay inu musharax Madaxwayne ka noqdo Xisbiga ee labadiiba guul keeni waayay waxay u taalaa dhinicii UCID ee heshiiskii 12/072012.

Ugu dambaystii waxanu Gudida u sheegaynaa in dhinacayagu aqbalay Go’aankii Gudida diyaarna u nahay in sidii uu ahaa u fulino dhamaan qodobadiisii, Gudoomiyuhu ama ha ogolaado ama ha diido eh. Waayo Gudoomiyuhu ma hayo xal badiil ah oon ahayn burburka Xisbiga UCID taas oon UCID xisbi ahaan aqbali karin.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...