Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyad Somaliland C/raxmaan C/laahi ismaaciil Saylici ayaa, shalay si rasmi ah u furay carwadii jaamacadaha dalka oo ay ka soo qayib galeen dhamaan jaamacadaha dalka oo dhan oo ay tiradoodu dhamaayeen 32 jaamacadood.

Munaasibad Balaadhan oo loo sameeyey furitaanka carwadaasi ayaa wax kasoo qayb galay Madax-weyne ku xigeenka JSL, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Agaasimaha Guud wax-barashada, Agaasimaha Tacliinta Sare, Gudoomiyayaasha Jaamacadaha Oo Iyaguna kasoo qayb-galay, Qoraayo , Aqoonyahano, Boqolaal ka mid ah Ardayda Imtixaankooda Dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Agaasimaha Tacliinta Sare Dr. Yuusuf Ahmed Cali Oo Furitaankii Munaasibadaasi ka hadlay faah-faahina ka bixiyey ujeedada Carwadan loo Qabtay waxaanu sheegay in ay tahay mid kor loogu qaadayo tayada aqooneed ee waxbarashada, looguna fududaynayo ardayda dhawaan ka qalin jabin doonta dugsiyada sare in si fudud ay uga faa’iidaysan karaan ugana xulan karaan, Agaasimuhu waxa uu sheegay in ay kasoo qayb-galeen 32 jaamacadood ku waasi oo uu tilmaamay in ay u qorsheeyeen in ay ka faa’iidaystaan ku dhawaad 50,000 kun oo arday oo la filayo in ay dhawaan ka qalin jabiyaan dugsiyada sare ee dalka marka imtixaankooda la soo dajiyo, Agaasimaha Tacliinta Sare waxa kale oo uu xusay in ay 18 jaamacadood kabaan.

Agaasimaha Guud  Mr. Abiib Ayaa isaguna isla carwadan ka hadlay waxaanu ku booriyey ardayda ka qalin jabisay dugsiyada sare in ay ka faa’iidaystaan fursadan carwada isla markaana arday kastaa uu doorto kuliyada uu ku wanaagsan yahay.

Prof; Saleebaan Ahmed Guuleed oo ku hadlayey afka jaamacadaha ayaa isagu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen jaamacadaha dalku isaga oo jaamacadahana kula dardaarmay in ay wasaarada waxbarashada kala shaqeeyaan tayada waxbarashada, Waxaanu kula dardaarmay in ay jaamacaduhu soo saaraan dad akhlaaqleh oo bulshada u adeega.

Dr. Adna Aadan Ismail Oo ka mid ahayd masuuliyiinta jaamacadahoodu ay qaybta ka ahaayeen carwada ayaa iyadu u hambalyeysay wasaarada waxbarashada carwada seddexaad ee ay soo qaban qaabisay waxaanay ku amaantay in ay horumar weyn wasaaradu ku talaabsatay, iyada oo ardayda iyo macalimiinta  ku boorisay in ay fursadan looga faa’iideeyo.

Wasiirka Wasaarada Wax-barashada C/laahi  Ibraahim Habane (C/laahi Dheere) ayaa si weyn u soo dhaweeyey carwadan kuna tilmaamay horumar weyn oo dalku gaadhay isaga oo ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray ilaa 1993-kii, waxaanu sheegay in wasaaradu ku hawlan tahay horumarinta waxbarashada dalka, waxaanu balan qaaday in maalmaha soo socda la bilaabi doono kuliyadii tobabarka macalimiinta, Isla markaana kor loogu qaadi doono si ay u wada jaan qaadaan ardayda tayadooda waxbarasho ee dugsiyada hoose iyo ilaa jaamacadaha.

Madax-weyne ku xigeenka JSL ayaa soo gabagabeeyey hadalkii munaasibadan ayaa si weyn u soo dhaweeyey carwadaasi kuna tilmaamay mid fursad weyn u ah ardayda dhawaan imtixaankoodu soo baxayo, waxaanu kula dardaarmay jaamacadaha dalka in ay kobciyaan tayada waxbarashada isla markaana ay soo dhaweeyaan in hal sano ardayga la siiyo tobabar gaar ah intaa kadib madax-weyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland oo mid mid u maray dhamaan jaamacadii carwadan ka soo qayb-galay ayaa waxa si weyn u soo jiitay jaamacada Gabiley oo iyadu soo bandhigtay doog ay kuliyadoodu tijaabisay oo ku baxaya meel kasta, Doog billaa Caro Baxaya, Carwadan oo ah tii Saddexaad ayaa lagu soo bandhigi doonaa sidii uu sheegay agaasimaha tacliinta sare Caqabadaha hortaagan Aqoonsiga dalka Daraasaad ay ku sameeyeen jaamacaduhu arrimaha bulshada .isdoo kale khudbado aqooneed