Somaliland: Xukuumada iyo Bangiga Aduunka oo Kala Saxeexday Mashruuc ku kacaya Toban Milyan oo Doolar

Date:

Wafdi ka socday Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo uu Hogaaminay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Mudane Maxamed Mixile Boqorre, Wasiir u Dawlaha Wasaarada Shaqda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Daahir Camuud, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Xidhiidhiyaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Mudane Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil oo maalmahanba hawlo shaqo u joogay Dalka Kiiniya ayaa Maanta Heshiis aad u balaadhan la saxeexday Baanka Aduunka.

Heshiiskan oo ay ku bixi doonto lacag dhan Toban Milyan oo Doolar waxa uu socon doonaa muddo Shan Sanadood ah, waxaana Mashruucan loogu talo galay in kor loogu qaado Aqoonta iyo Tayada Shaqaalaha Dawlada iyo sidii loo Abuuri lahaa Shaqaale Aqoon u leh Adeegga ay Bulshada u hayaan una carbisan shaqooyinkooda. Waxaa kale oo xoogga la saari doonaa sidii loo tayayn lahaa guud ahaan Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loona kobcin lahaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee kala duwan

Mashruucan oo ay ka Faaiidaysan doonaan Sideed Wasaaradood iyo laba Hay’adood oo kala ah Hay’ada Shaqaalaha Dawlada iyo Machadka Tababarrada Shaqaalaha Dawlada ayaa isbedel muuqda oo horumar leh u horseedi doonaa guud ahaan Shaqaalaha Dawlada iyo Adeegga ay u hayaan Bulshada.

Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha Debada Dr. Sacad Cali Shire oo Heshiiskan ka hadlayay ayaa tilmaamay in Mashruucani uu yahay mid faaiido balaadhan u leh Qarankeena, waxaana uu aad ugu Mahad Celiyay Baanka Aduunka oo uu xusay inuu Mashaariic badan oo horumarineed uu ka wado Dalka Somaliland.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka
Nairobi. Kenya

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...