Suldaanka Guud ee beelaha Arab Sheekh Isaxaaq, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta somaliland oo sheegayey inuu guuldarro ku dhammaaday kulan ay wada yeesheen hormoodka beesha iyo waliba saraakiil ka socotay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Suldaanka oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi, “Waxaan kuu sheegayaa inaanay jirin wararkaas ay warbaahinta qaar faafiyeen ee ku saabsan kulan lagu kala kacay oo dhex maray siyaasiyiin ka soo jeeda beeshayda iyo xisbiga Waddani, aniguna waxaan ahay suldaan guud oo dhex u ah siyaasiyiinta somaliland oo dhan mucaarid iyo muxaafidba, qolna lama soo fadhiisto siyaasiyiin wada hadlaya.” Ayuu yidhi suldaan Cumar Suldaan Maxamed.
Suldaanka oo hadalkiisa ayaa dhinaca kalena farriin wax ku ool ah u diray shacabka ku dhaqan gobolka Saaxil, isagoo kula dardaarmay ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha Somaliland, waxana uu yidhi,
“Waxa kale oo aan halkan doonayaa inaan fariin uga diro dadweynaha gobolka Saaxil, waxaanan leeyahay dadku wax wuu taban karaa laakiin sida aynu ku soo caano maalnay waa in tabashada lagu dhameeyaa wada hadal iyo sulux, waxaanan leeyahay waa inaad ku dedaashaan ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaanadiina, wixii xukuumada aad ka tabanaysaana aad si degan ugala hadashaan.”
Sidoo kale Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa uu warbaahinta somaliland u soo jeediyey inay ka fogaadaan baahinta wararka aan jirin, waxaanu uga nasteexeeyey wararka been abuurka ah.
Dhawaan ayey ahayd markii warbaahinta qaar kamid ahi ay baahiyeen warar sheegaya inuu guuldarro ku dhammaaday kulan qarsoodi ahaa oo hoggaanka xisbiga WADDANI iyo xubnaha beelaha Arab kassoo jeeda oo uu hoggaaminayo Suldaan Cumar dhexmaray, waxase uu suldaanku wararkaas ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin oo been abuur ah.