Iyada oo mudooyinkii u danbeeyeyba ay magaalada jigjiga ee xarunta ismaamulka kililka shanaad ay ku sugnaayeen salaadiin cuqaal iyo madax-dhaqameedka kale oo ka socday degmada gaashaamo oo uu kamid yahay suldaan Maxamed Suldan Xirsi Qani ayaa waxay kulan la yesheen Cabdi Maxamuud Cumar “Iley” oo ah madaxwaynaha xukuma kililka shanaad.
Waxaana kulamadaasi ujeedadoodu daaranayd sidii looga wada hadli lahaa xasuuqii arxan darada ahaa ee ay ciidamada Liyuu Boolisku kula kaceen dadkii deegaanka Jaamac Dubad ee degmada gaashaamo.
Kulamadan oo ay jilbaha isku aasteen isla markaana labada dhinacba ku garnaqsanayeen dood dheerina dhex martay ayaa waxa markii hore kulan wada yeeshay madaxwayanaha Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftiga Suldaanka iyaga oo dood dheeri dhex martay ayaa kuldan danbe loo balamay.
Waxaana kulankii danbe ee loo balansanaa isa soo hor-fadhiistay sarkaalka ugu sareeya ciidamada Liyuu Booliska,masuuliyiinta ciidamada fadaraalka ee boliska iyo militeriga iskugu jira ee kilidhka ku sugan iyo waftigii Suldaanka waxaanay saraakiishan goobta kusoo bandhigeen xogtii dhinacooda ahayd iyo hawl galadii ay fuliyeen ee dhinacooga ku sababaynayeen.
Intaa kadib waxa Kulankii u danbeeyey hadana jilbaha isku aastay oo dood dheer iyo garnaqsi adagi dhex martay waftigii suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo madaxwaynaha kililka shanaad iyaga halkaasi labada dhinacba ay garnaqsi adagi dhex martay, iyada oo dawladuna difaacaysay go’aankii ay ka qaateen dhacdadaasi halka waftiga uu suldaanku hogaaminayayna ay ku doodayeen in dhacdadani ahayd xasuuq taasoo ay ku sababanayeen in ciidamadu ay laayeen dad iskugu jira maato, caruur iyo waayeel iyaga oo dhinaca kale waftigani waxay sheegeen in ciidamadu ay masaajid ugu galeen dad waayeel ah oo nabad galiyo miciiin biday.
Gabagabadii dood dheer iyo garnaqsi adag ka dib waxay labada dhinacba isla gaadheen qodobadan hoos ku qoran
- in muddo laba casho ah gudahppd ay wafti ka socda labada dhinac tagaan degmada gaashaamo halkaas oo shacabka deegaanada loogu sheego in nabad galiyo jirto xukumadda iyo waftigana ay isla qaateen in xaalada la dajiyo nabadna lagu soo dabaalo.
- madaxwaynaha kilidhka shanaad wuxuu kulanka ka sheegay inay uu go’aan ka qaadanayo dhacdaaasi dhacday ee xasuuqa ah
- In xukumadda iyo dadwaynaha deegaanadu u wada jeestaan dhanka nabad isla mrkaana wada shaqayn xoogani uga dhaxaynn lahayd labada dhinac
Waxii soo kordha kala soco shabakadda wararka Wargane News