Somaliland: Odayaasha Gaashaamo Oo Ku Diirsaday Kulan Jig-jiga Uga Furmay Suldaanka Guud EeBeelaha Habar Yoonis Iyo Madaxweynaha DDSI.

Date:

Waxgaradka iyo Dadweynaha degmada Gaashaamo ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa soo dhaweeyay isla markaana taageeray shir uga furmay Madaxweynaha DDSI  Cabdi Muxumed Cumar iyo Ergo balaadhan oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha  Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani.

Waxaanay dadweynaha degmada Gaashaaamo intaa raaciyeen in ay yihiin dad iyo deegaan ahaanba dad ka soo jeeda kana tirsan dal weynaha Itoobiya waxaanay si cad u sheegeen in ay taageero buuxda siiyeen shirkaa iyo Ergada uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis.

Waxaa kale oo ay ku amaaneen doorka nabadaynta ah ee ay ka qaateen waxgaradka iyo Odayassha isku xilqaamay in ay isu soo dhaweeyaan dawlad deegaanka iyo bulshadda degmada Gaashaamo xaaladana ay nabad ku soo dabbaalaan,kana hor tegay in dhibaato kale oo nabad-gelyada saamaysa in ay ka timaado shaqaaqadii ka dhacday Deegaanka Jaamac Dubbad ee Degmada Gaashaamo. Siday faafisay shabakadda wararka ee Xogsoornrws, oo aanu warkan ka soo xiganay

Reer Gaashaamo waxaa kale oo ay farriin u direen cid kasta oo isku dayda in ay iska hor keento Dadweynaha Degmada Gaashaamo iyo Dawladooda oo ay u sheegeen in aanay u suuro-galayn in ay fidmo iyo dhibaato ka dhex ridaan dadka iyo dawladooda.

Dhinaca kale waxay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ka codsadeen in uu xal waara oo kama dambays ah ka gaadho dhibaatooyinka deegaanadaas ka dhacay.

Ugu Horrayn Khaalid Maxamed Yuusuf oo ka mid ah dadweynaha degmada Gaashaamo oo arrintan ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaanu ka mid nahay dadweynaha degmada Gaashaamo ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaanan caddaynayaa inaanu nahay dad Itoobiyaan ah oo ka tirsan bulshadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxaa kae oo aan Caddaynayaa in aanu taageersanahay Madaxweynahayaga Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa kale oo aanu si buuxda u taagersan nahay isla markaana kalsooni buuxda aanu siinaynaa Ergada uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Habar-yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ee shirka wada hadalku kaga qeyb gelaya magaaladda Jigjiga. shirkaas oo uu gogishiisa dhigay Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaanan leenahay waxaanu ku qanacsanahay wax kasto oo shirkaa ka soo baxa waanu taageersanahay waxaanay talladayadu ka go’daa Ergada Suldaanka Guud Hoggaaminayo iyo Madaxweynaha waxay noo go’aamiyaan.”

Waxaa kale uu u mahad-naqay waxgarad uu sheegay inay kaalin ka qaateen sidii nabad-gelyo loogu soo dabaali lahaa shaqaaqadii 40-ka qof ku naf waayeen ee dhacday deegaanka Jaamac Dubad ee degmadda Gaashaamo, kuwaasi oo magacyadoodu kala duwan yihiin Maxamed Ismaaciil Cali,Fu’aad Maxamed Faarax,Axmed Maxamed Cabdulle Walanwal, Cabdiraxmaan Maxamed Saleeaan(Sanweyne), Eng Jaamac Barre Cilmi iyo Garaad Maxamed Jaamac Bootaan.

“Waxaana u sheegaynaa cid kasta oo isku dayda in ay iska horkeento dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dadkeeda deegaanka Gaashaamo in aanay u hirgalayn oo aanu ka hor tegayno wax kasta oo dadka iyo dawladdaba dhibaatu ku ah,”ayuu yidhi Khaalid Maxamed Yuusuf.

Oday Abaadir Cigaal Cawad oo ka mid ah waxgaradka iyo Waayeelka Degmada Gaashaamo waxaanu si mugleh u taageeray shirka uga furmay Magaaladda Jig-jiga ee Madaxweynaha DDSI iyo Ergada uu hoggaaminayao Suldaanka Guud Ee Beelaha Habaryoonis, waxaanu ku booriyay Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar in uu si kama dambays ah xal waara uga gaadho dhibaatooyin soo noq-noqday oo ay ugu dambaysay tii ka dhacday deegaanka Jaamac Dubbad.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...