Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa ka hadlay mudaharaaddada iyo banaanbaxyadda ay dadku sameeyaan, isla markaana wuxuu ugu baaqay inay ka digtoonaadaan ku talaabsiga fal ay dhici karto inuu caawiyo cadaw kale oo wax ka wayn gaysan karraa.
Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, oo arrimahaa ka hadlayaanna wuxuu yidhi; “Dalkeennu waa dal amni ah, waxaan shacabka reer Somaliland uga mahad-celinayaa muddo dheer intii aan Wasaaradda Daakhiliga joogay inaan dadka kala hadli jirnay muddaharaaddada iyo waxyaabihii keeni kara shaqaaqooyin. Waad ogtihiinoo la innama ictiraafsana, had iyo jeer markay dadku cawdaan dimuquraaddi baynu nahay oo wuu bannaan yahay bannaan-buxu. Laakii, duruufo innaga innoo gaar ah awgood waxaannu bulshada ku waaninnaa wixii ay sheeganayaan inay si caadi ah oo qoraal ah ay ku sheegtaan ama ay soo ashkatoodaan ayaannu ku dhiirrinnaa, ee kuma dhiirrinno muddaharaadka. Waayo, Had iyo jeer dunida la ictiraafsan yahay waad aragteen oo waxay leeyihiin qalab lagaga hortago muddaraaddada, waxay leeyihiin Rabadh, Biyo dadka lagu kala eryo, Rasaasta rabadhka ah ee aan dadka waxba yeelin, Gaasta dadka ka ilmaysiisa iyo qalab fara badan. Laakiin, innaga waxaad ogtihiin inuu dalkeennu yahay dal koraya, qalabkaasina aanu jirin ama uu yar yahay, sidaa awgeed, waxaan ku waaniyaa shacabka inay iska ilaaliyaan wax keeni kara dhib ka badan waxay doonayaan.”
Wasiir Warancadde oo u waramayay Startv oo la hadlaya bulshada wuxuu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Markaa, waxaan ugu baaqayaa dadku inaanay ku degdegin muddaharaadka ee wixii ay ka cabanayaan afkooda ku sheegtaan, qoraal ku sheegtaan, Xafiisyada noogu yimaaddaan oo aannu u sheegno ama ka dhaadhicinno wixii ay doonayaan, dadkuna dhawraan nabadgelyadooda, waayo? Waxaynu joognaa Geeska Afrika oo mushaakil badani ka jiro maanta, waa la isku dhex-dhuuman karaa, dad dano kale leh ayaa ka dhex faa’iidaysan kara. Markaa, dadku waa inaanay jaanis siinnin mashaakil ka weyn kooda ayaan ku waaninayaa oo sidii hore ee ay u dhawri jireen nabadgelyadooda ay u dhawraan.”