Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Amray In La Xoojiyo Baadhista Shilka Iyo Sababihii Keenay

President of Somaliland Ahmed Silanyo
H.E. Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) - President of Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu Bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayaa Shilka naxdinta leh ee shalay ka dhacay inta u dhaxay Gabiley iyo Kalabaydh, shilkaas oo sababay 14 Dhimasho ah, iyo 9 qof oo dhawac ah ka dib markii ay isku dhaceen laba Baabuur oo midna land cruiser yahay midna NOAH, kuwaas oo siday dad shicib ah.

Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyadaynayaa isagoo ka tiiraanyeysan Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaanu Alle uga baryay inta dhaawaca ah inuu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay. Waxaanu amray in la xoojiyo baadhista sida shilku u dhacay, lana badiyo Gurmadka adeega caafimaad ee shilkaas.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoysaska, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen dad badan oo ku dhintay shil baabuur naxdin leh oo ka dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Kala-baydh ee galbeedka Somaliland maanta oo Jimce ah 25/02/2016.

Shilkan naxdinta leh oo uu sababay isku dhac laba baabuur oo siday dad rayid ah oo sida hay’adaha ammaanku sheegeen ay dhinteen dhawr iyo toban qof, sidoo kalena ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ahi, waxaannu ku yahay Qaranka Somaliland khasaare culus oo ay kaga baxeen dad muwaadiniin ah.

Shilalka ka yimaada gaadiidka ee ka dhaca waddooyinka Somaliland waa aafo joogto ah oo aynu mar walba ku weyno  muwaadiniin  aannu Qarankan marnaba ka maarmin xooggooda, fikirkooda iyo aqoontoodaba, sidoo kalena  ay ku burburto hanti muhiim ah oo waxtar u ah shacabka iyo dawladda Somaliland labadaba.

Xal-u-helida dhibaatadani, marka laga yimaad qadarka Ilaahay (SWT) waxa lagu gaadhi karaa ku dhaqanka shuruucda waddo-marista, nidaamka calaamaha iyo dhismaha waddooyinka ee waqtiganba lagu haywlanyahay dayactirkooda oo si dhammaystiran loo hirgeliyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu Alle uga baryayaa dadka shilkaas ku geeriyooday inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska iyo guud ahaan shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan innaga. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Sidoo kale, Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”isagoo ku haddlaya magaciisa ka golaha wakiilada , ka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Iyo ka shacabka weynaha reer Somaliland,wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii asxaabtii qoysaskii qaraabadii iyo dhammaanba bulsshada reer Somaliland ee ay ka baxeen 14-kii qof ee maanta ku nafwaayey  shilkii naxdin lahaa ee ka dhacay jidka u dhaxeeya Gabiley iyo kalabaydh,kadib markii ay isku dhaceen gaadhi NOAH-ah oo sidey dad Shicib Ah iyo gaadhi Kale oo Laangaruusar ah.

Dhinanaca Kalen Guddoomiye Cirro wuxuu Alle uga baryayaa 9 –ka qof ee shikaasi dhawacantay inuu caafimaad Sareecana Siiyo oo uu Eebe ka caafimaadiyo dhaawacyada.

Guddoomiyuhu wuxuu  marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Comments

comments