Somaliland: Qaraar Ay Guddida Diiwaangelintu Kasoo Saartay Murankii Xisbiga UCID Oo Dab Ku Sii Shiday Khilaafkii Labada Garab

Date:

Qoddobada Ay Ka Kooban Yihiin Go’aammadda Guddidu Soo Saartay 

Guddida Diwaangalinta Ururada siyaasada Somaliland ayaa shalay go’aamo ka soo saaray dacwadii u dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga UCID  iyo Musharaxa madaxwayne ee Xisbigaas. Khilaaf xisbiga UCID u kala jabiyay laba garab oo kala taageersan Musharax Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe ayaa markii dambe loo gudbiyay Guddida Diwaangalinta Ururada siyaasada Somaliland. Guddida Diwaangalinta ayaa shalay xafiiskooda ugu akhriyey Labada Garab ee Xisbiga UCID go’aamada ay soo saareen, kuwaas oo ka koobnaa sagaal qoddob.  Afhayeenka guddidaas Xasan Axmed Ducaalle ( Macalin) oo ay hareero fadhiyaan guddoomiyihiisa iyo xubnaha kale ee guddida diiwaangelinta ayaa warbaahinta u akhriyey qoraalka go’aanka ay soo saareen, kaasi oo ka koobnaa Sidan:

  1. In xisbiga UCID labadiisa garab qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn muddo shan iyo afartan casho gudahooda oo ka bilaabmaysa 21.07.2016
  2. In labada garab soo magacaabaan guddi maamuusha shirwaynahaa oo ah tiro is le’eg.
  3. Guddiga tiradeedu waa 10 xubnood oo labada garab midba soo magacaabayo shan xubnood, waxaanna loo soo gudbinayaa magacyadooda Guddiga Diiwaangelinta
  4. a) guddigu waxay iska dhex dooranayaan guddoomiye iyo Xoghaye fulineed oo midba garab ka imanayo
  5. b) Guddigu waxay si is le’eg u soo xulaysaa ergada shirwaynaha
  6. c) Guddigu waxay maamulaysaa shirwaynaha ilaa inta go’aamadiisu ka soo baxayaan
  7. d) Kharashka shirka ku baxayana waxa bixinaya labada garab ee xisbiga si is le’eg.
  8. Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qodobada heshiiska labada garab iyo wax-ka-beddelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku Taar. 12.07.2012.
  9. Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo tiradiisa sharciga ahi tahay 181 soo jeedin sharci ahina ka taalo waxa lagu dhammaystirayaa shirwaynaha.
  10. Murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen waxay ku dhammaystirmaysaa marka shirwaynuhu ansixiyo, umana baahna shir Gole Dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
  11. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiiska loogu ansixiyey guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID wuxuu xilkiisu ku dhammaystirmayaa marka shirwaynuhu ansixiyo.

8.Qodobadda 1-aad ilaa 7-aad ee go’aankan waxa ay guddidu u cuskatay sida ku cad heshiiskii labada garab eek u taariikhaysnaa 12.7.2012-kii. Qoddobada 1-aad iyo 4-aad oo u dhigan sidan:(Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgeliyo guddi qaban qaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomadda kalfadhiga afraad ee golaha dhexe ee xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn, shirka golaha dhexe iyo shirweynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qoddobada heshiiska, sidoo kale waxa lagu meermarinayaa wixii kaabis iyo wax ka beddel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee xisbiga Ucid.”

Qodobka1-aad Baaragaraafka u dambeeyaa waxa uu leeeyahay (sida oo kale waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen in dhammaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qaybsadaan.”

9.Waxa kale oo ay u cuskatay:Xeer 14. Qodobkiisa 26-aad oo u dhigan sidan(Guddida diiwaangelinta urrurada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranku waxa uu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer nidaamiye, xeerka, xeerka habdhaqanka iyo awaamiir aa naan ka hor imanayn xeer 14.)

Ciddii xukunkan ku qanci weyda waxa u furan inay rafcaan u qaadato maxkamadda saree e Somaliland, Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 21.7.2016-ka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...