Waxay hayd 29-April-2016, markii uu madaxwayne Siilaanyo goor habeenimo ah si kadis ah xilka uga qaaday taliyihi ciidanka badda Somaliland Sareeye-Guuto Maxamed Xasan Xiirane iyo wasiirk boostaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal.
Saddex bilood ayaa laga joogaa markii uu madaxwaynuhu labadan masuul xilka ka qaaday hase’yeeshee waxa madaxwayne Siilaanyo ku adkaatay inuu buuxiyo mansabkii ay ku fadhiyeen labadan masuul gaar ahaana xilka taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo badda oo marka ahmiyadiisa la eego ay adag tahay in ciidanku bilaa taliye noqdo wax maalmo ka badan.
Taliska ciidanka badda ayaa ah ciidan muhiim gaar ah u leh Somaliland madaama oo ay yihiin ciidanka qaabilsan arimaha budhcad badeeda oo xidhiidh wada shaqayneed oo toos ah lala leh dalalka gobolka geeska Africa ka caawiya la dagaalanka budhcad-badeeda kuwaasi oo tababaro kala duwan oo muhiim ah siiya ciidamada badda ee somalialnd.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa laba goor ka qayb galay munaasibad ay ciidanka boqortooyadu ingiriisku markab dushii oo berbera joogay ugu qabteen ciiidanka badda Somaliland oo dhamaystay tababar muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta badda iyo xeebaha Somaliland.
Hadaba waxa dad badan yaab ku noqotay sababta madaxwayne Siilaanyo saddex bilood kadib ciidanka ahmiyadaas leh ugu magacaabi la’ yahay taliye, waxaanay dadka siyaasada falanqeeyaa arrintan ku xidhiidhiyaan meelo kala duwan oo iskugu jira hogaaminta iyo qorshe la’aan.