Somaliland: Madaxwayne Siilaanyo Oo Saddex Bilood Kadib Tahli Kari La’ Inuu Buuxiyo Taliyihii Ciidamada Badda Somaliland

Date:

Waxay hayd 29-April-2016, markii uu madaxwayne Siilaanyo goor habeenimo ah si kadis ah xilka uga qaaday taliyihi ciidanka badda Somaliland Sareeye-Guuto Maxamed Xasan Xiirane iyo wasiirk boostaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal.

Saddex bilood ayaa laga joogaa markii uu madaxwaynuhu labadan masuul xilka ka qaaday hase’yeeshee waxa madaxwayne Siilaanyo ku adkaatay inuu buuxiyo mansabkii ay ku fadhiyeen labadan masuul gaar ahaana xilka taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo badda oo marka ahmiyadiisa la eego ay adag tahay in ciidanku bilaa taliye noqdo wax maalmo ka badan.

Taliska ciidanka badda ayaa ah ciidan muhiim gaar ah u leh Somaliland madaama oo ay yihiin ciidanka  qaabilsan arimaha budhcad badeeda oo xidhiidh wada shaqayneed oo toos ah lala leh dalalka gobolka geeska Africa ka caawiya la dagaalanka budhcad-badeeda kuwaasi oo tababaro kala duwan oo muhiim ah siiya ciidamada badda ee somalialnd.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa laba goor ka qayb galay munaasibad ay ciidanka boqortooyadu ingiriisku markab dushii oo berbera joogay ugu qabteen ciiidanka badda Somaliland oo dhamaystay tababar muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta badda iyo xeebaha Somaliland.

Hadaba waxa dad badan yaab ku noqotay sababta madaxwayne Siilaanyo saddex bilood kadib ciidanka ahmiyadaas leh ugu magacaabi la’ yahay taliye, waxaanay dadka siyaasada falanqeeyaa arrintan ku xidhiidhiyaan meelo kala duwan oo iskugu jira hogaaminta iyo qorshe la’aan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...