Somaliland: Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Oo Si wayn Loogu Soo dhaweeyey Ceerigaabo

Date:

“Intii aanu tallada dalkan Haaneednay Sanaag isbadal weyn ayaa ku yimid, Ceerigaabo waa tan shalayna waa la ogaa maanta waa la ogyahay.” Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafti balaadhan oo hogaaminayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayo oo shalay ka soo kicitimay deeganka Shimbiraale ee bariga Sanaag, ayaa shalay galinkii dambe soo gaadhay magaalada Ceerigaabo halkaasi oo ay si weyn ugu qaabileen dadweyne iyo masuuliyiin kale duwan.

Soo dhawaynta ka dib ayaa Wasiir Maxamuud Xaashi oo dadweynahaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumadda KULMIYE uu Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyaa ay wax badan ka qabatay gobolka Sanaag, isagoo ku garnacsaday mashaariic horumarineed oo deegaanadaasi laga hir galiyey.

13754494_1008249232622263_4195988587304258153_n

Hadakadii Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ka mid ahaa “ Waxaanu u mahad naqaynaa Salaadiinta, boqorada, cuqaashada, Wasiirada, Gudoomiyaha gobolka Sanaag, duqa magaalada Ceerigaabo, waxgaradka iyo dadweynaha sida diiran ee hilowga iyo kalgacalka leh halkan noogu soo dhaweeyey. Waa dhab qariib ma nihin, waxanu nahay dad muwaadiniin ah oo dalkoodii dhex maraya, maamuus ahaan ayuubaanu u qaadaynayaa inaad nooga hor timaadeen. Waxaanu u soconay in aanu idinkala qayb qaadano Ole-olaha wacyi galinta diiwaangalinta cod bixiyeyaasha, iyo ka qayb qaadashadeeda, gobolkani waa gobol weyn waa gobolkii shanaad ee diiwaangalintu ka qabsoonto, Qarankani wuu guulaystay waxa u qabsoontay diiwaangalin aad u qiimo badan waxaanu ku hambalyeynaynaa Guddida doorashooyinka qaranka ee gacanta ku haysay iyo dhamaan haldoorkii ka qayb qaatay, asxaabta qaranka, maamulada gobolada iyo degmooyinka, odayaasha iyo madax dhaqameedyada beelaha, dhamaantood waxaanu ku hambaleynaynaa doorkii ay ka qaateen hirgalinta diiwaangalinta.”

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena sheegay in hirgalinta diiwaangalinta cod bixiyeyaashu ay tahay dhaxal uu Madaxweyne Siilaanyo Umadiisa ugu tagayo waxaanu yidhi “ Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo diiwaangalitani waxay u tahay taariikh iyo dhaxal, aduun badan ayaanu ku bixinay, mid hore u qorshaysnaa iyo mid aan qorshaysnaynba oo Xukuumaddu bixisay, oo markii aduunkaa cid bixisa loo waayey aanu ku khasbanaanay, Ujeedanuna waxa weeye in aynu noqono Umadd la yaqaan oo qof waliba uu kaadh codbixineed helo, wax dooran karro lana dooran karo, bulshada degmadan Ceerigaabo ku nool waxaanu ugu baaqaynaa inay ka qayb qaataan diiwaangalinta.”

13680644_1008247812622405_6402098469458470173_n

Wasiirka ayaa geesta kalena ka hadlay codsi shacabka reer Sanaag ka yimdi oo ku ahaa in wakhtiga Diiwaangalinta loo kordhiyo maadaa uu gobolkaasi yahay kan ugu weyn Somaliland waxaanu yidhi “ Keesta kale waanu maqlaynaa cabatinka, dareenka dadweynaha, gobolka waayahiisa iyo baahida in wakhtiga la kordhiyo, hasayeeshee waxaanu leenahay arrintaas go’aankeeda waxa leh guddida doorashooyinka qaranka, wixii tallo ah ee aanu Xukuumadd ahaan ka siinayna, waanu ku talin doonaan waananu arki doonaa, waxa noo muuqata hadaanu soo marnay gobolka qaybo badan oo ka mida ay ka mid yihiin Gar-adag, Ceelafweyn, Awr-boogays, iyo Shimbiraale, dhulkaas aanu maraynay waxa ka muuqata hilowga dadku ay diiwaangalinta u hayo, safaf dhaadheer iyo dad xusul-duuban oo gaadiid lagu gurayo ayaanu soo aragnay, Somaliland waxa muuqata in gobolkan Sanaag, oo ah gobol kulmiya beelo kala duwan inay diiwaangalinta u kaceen oo hilow iyo isbadal wayni jiro, dadkii aanu soo marnay waxay ka sinaanyeen dhamaantood jacaylka iyo hilowga diiwaangalinta iyo Qaranimada Somaliland.”

13692484_1007868825993637_6543275630211772402_n

Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay Horumarka laga hir galiyey Gobolka Sanaag isag oo sheegay in aanay Wax amaan ah ku doonaynin balse aanay gar ahayn in la qiriyaa waxanu yidhi “ Horumarku wuxuu ku xidhan yahay nabadgalyada, Xukuumadda aanu ka midka nahay ee Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo waxa ka go’an in inaanu horumar ka samayno gobolkan Sanaag oo ah gobolada dib u dhaca badani ku yimid, waxaan maqlayey Rag waaweyn oo leh Sanaag waxba lagama qaban, Sanaag wixii laga qabtay way muuqdaan, odhan mayno Sanaag waxay u baahnayd oo dhan ayaa laga qabtay, waxaanu se leenahay intii aanu tallada dalkan Haaneednay Sanaag isbadal weyn ayaa ku yimid, kaabayaasheeda dhaqaale iyo adeegeeda, Ceerigaabi waa tan shalayna waa la ogaa maanta waa la ogyahay, Mudadii Xukuumadda Madaxweyne Siilanayo waxaanu ka dhisnay Wasaarado badan, waxaanu ka wadnaa mashaariic waaweyn oo Cisbitaalku ka mid yahay, waxaanu ka wadnaa Deked iyo iskuulo boodhin ah, waxaanu ka wadnaa wado wayn oo dawladda iyo Umadduba isku tashay, shalay kuwaasi may jirin shalay, ma gacantaa lagu qarin kuwaas?. Waxaanu leenahay waxaanu qabanay Umadan ayaa lahayd waxeedii ayaanu ku qabanay, amaana kuma mudnin, waanu garamaynaa oo in la qariyo ma ogilin, sida naloo dhaliili karro, naloona toosin karro ayaanan u golayn in waxaanu qabanay la qariyo, waxa qabyada ahna waanu qiraynaa qorshe dheer iyo mid dhaw ayaanu u samaynay gobolkan horumarintiisa.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...