Somaliland: Wasiir Shucayb Oo Xuseen Axmed Caydiid Ku Tilmaamay Shakhsi Ay Hadalladiisu Been Abuur Yihiin

Date:

“Bal dadka Waxaad U Sheegtaa Sharciga Kuu Fasaxaya Adiga Oo KULMIYE Ka Tirsan Cidda  Inaad Wada-hadal la Furto Xisbi Mucaarid ah”

+++++

“Xuseennoow; Garyaqaanna Waad Sheeganaysaaye  Kolkaad Leedahay KULMIYE Ayaan Ka mid Ahay Iyo Markaad Wada-hadallo Ayaanu WADDANI La Furnay Leedahay, Midkeed Been Sheegaysaa?”

++++++

Xuseen Axmed Caydiid Waxaan Leeyahay Ha Noqon Sidii Qoladii reer Banii’ Israa’iil Ee Aayadaha  Iyaga Khuseeya  Indhaha Ka Qarsan Jiray, Kuwa  Ay Doonayaanna Akhriyi Jiray

Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Shucayb ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu dhawaan wasiirkii hore ee wasaaradda caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid warbaahinta ka sheegay, kaasi oo ku saabsanaa hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo ee qaranka. Wasiir Shucayb oo shalay ka hadlay arrintan ayaa hadallada ka soo yeedhay Afhayeenka garabka caal waaga ah ee ka fellaagoobay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku maseeyey qoomkii reer Banii’israaiil ee is diidsiin jiray aayadaha khuseeya iyaga ee qur’aanka kariimka ah, kuwa ay doonayaanna akhrisan jiray. Wasiir Shucayb waxaa uu Xuseen Axmed Caydiid ugu baaqay in uu dadka ka jaahil saaro mabda’iisa dhabta ah ee uu aaminsan yahay siyaasad ahaa, “in badan, badan buu Xuseen Axmed Caydiid ka hadlay warbaahinta, isagoo mar duraya Xisbiga KULMIYE, marna duraya xukuumadda, immikoo u dambeysayna wuxuu yidhi madaxweynihii aynu waddanka u dhiibanayna lama hayo. Xuseen Waanigii hore ula hadlay berigii hore ee uu lahaa la nagama saarayo xisbiga, ayaa waxaan idhi, bal waxaad dadka u sheegtaa, ilaa immika su’aashaasi kamuu jawaabine, sharciga adigoo xisbiga u sheeganaya inaad Kulmiye kamid tahay oo dadka waxaa ku qancinaya, haddana hadalada markasta shirarka jaraa’id ee aad qabanayso kaga hadlayso inuu heshiis idiin socdo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Bal qodobka kuu fasaxay garyaqaanna waad sheeganaysaaye, adigoo xisbiga Kulmiye ee xukuumadda kamid ah cidda kuu fasaxday inaad xisbi mucaarid ah wadahadal la furan karto. Bal dadka u sheeg, iyamaad been sheegaysaa marka aad leedahay Xuseenow Kulmiyaan kamid ahay, marna leedahay Kulmiye laygama saari karo, marno leedahay xisbiga Waddani ayaanu wadahadalo la furanay.  Dee markaa hadaad tahay sidii reer banni israa’iilkii {Taqral aayaha, wa tisal aayaha} aayada khusaysana indhaha iska qaban jiray, teey doonayaanna akhriyi jiray, Horta arrinkaas inaad dadka ka qanciso ayaa wanaagsan. Lixdaa sano ee uu Xuseen Axmed Caydiid maamulka ama xukunka ku jiray ama uu wasiirka ahaa waxaaa uu aad u dhaliili jiray kooxda iyagu aanan jirine ee iyagu qayrul-sharciga ahaa ee la odhan jiray MADASHA, maantana isagii ayaa Madal aan sharci ahayn ku leh waa sharci. Markaa dee ma garan karo oo qofku waa inuu is miisaamo oo dee dib u fadhiisto wixii khaldan, oo waxaan shalay taageerayay ee aan doonayay, inaan maantana isla markiiba isu beddelo, waa arrin ceeb ah, oo Xuseen ceeb ku ah, oo Xuseen runtii qorshe weyn oo uu watay oo qorshahaa uu dee meesha kaga orday ahayd ayaa u suurogali waayay, markaa hadalaadan iska horiyo daba imanaya dee waxaan is idhi malaha Xuseen warbaanu isu hayn.

Mida kale Xuseenow wasiir baad ahayd xukuumadda ka tirsan, waxaanad leedahay madaxweyne aynu dooranay dalka kama taliyo, su’aashu waxay tahay Xuseenow yaa dalka ka taliya. Runtii adiga iyo ciidanka kula fikirka ahba kumaad talogalin habeen inay ciddi kaa dambayso oo xukuumaddiba jirto, ujeedada ugu weyn ee aad lahaydna waxay ahayd inaad afgembi samaysaan oo aydun xukuumadda jirta jilbaha u dhigtaan, oo halkaa ay taagan tahay markaad adigu ka baxdo ay dhaafi weydo, kolkaa Xuseenow waxaan ku leeyahay waxaad la yaaban tahay system-kan kaa dambeeyay ee shaqeeyay, madaxweynuhu sidan fudud ee uu go’aanka u qaatay, ee uu adna ku yidhi waad mahasan tahay iska soco, booskaagiina usoo buuxiyay, waa taas midaad la yaaban tahay. Dee markaas xaaladdaada lama odhan karo waa xaalad caadiya.

Waxaan kuu sheegayaa Xuseenow, wasiir baad ahaydoo nidaam kaad ku jirtay shalay, mar haday xukuumaddii aad lahayd cirkaa soo dumi doona markaad ka carartay, ay waxba kuu noqon weyday, dee waxay ahayd inaad xishooto oo aad dib u fadhiisato ee inaad weliba aflegaado ku darsato iyadooy taasi dhacday, may ahayn.

Waxaas kusoo gabagabaynayaa xisbiga Kulmiye nidaamka iyo sharciga uu leeyahay ayuu racayaa, talaabo ku haboon oo ah xeerkii iyo nidaamkii aad jebisayna waa lagaa qaaday, kolkaa waxaan ku leeyahay hadaad xisbiyo ku biirayso hadda cidi kuguma haysato oo ninkii wuxuu yidhi “KA DAYDAYO, HADDAAN KUU FASAXAY DIBAD WAREEGIIYE”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...
“Bal dadka Waxaad U Sheegtaa Sharciga Kuu Fasaxaya Adiga Oo KULMIYE Ka Tirsan Cidda  Inaad Wada-hadal la Furto Xisbi Mucaarid ah” +++++ “Xuseennoow; Garyaqaanna Waad Sheeganaysaaye  Kolkaad Leedahay KULMIYE Ayaan Ka mid Ahay Iyo Markaad Wada-hadallo Ayaanu WADDANI La Furnay Leedahay, Midkeed Been Sheegaysaa?” ++++++ “Xuseen Axmed Caydiid Waxaan...Somaliland: Wasiir Shucayb Oo Xuseen Axmed Caydiid Ku Tilmaamay Shakhsi Ay Hadalladiisu Been Abuur Yihiin