Somaliland: Maamulka Khaatumo Oo Diyaariyay Kooxo Maleeshiyaad Ah Oo Carqaladeeya Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Ee Ka Bilaabmaysa Gobolka Sool, Jawaabta Dawlada Somaliland, Iyo Heeganka Ciidamada Qaranka Somaliland

Date:

Kooxda la baxday Khaatumo ee ka dhaq-dhaqaaqda deegaano kamid ah gobolka sool  iyo buuhoodle ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay kaga hor-tagaan in deegaanada gobolka sool laga qabto diiwaangalinta codbixiyayaasha ee la filayo inay ka bilaabmato gobolka sool.

DIiwaangalinta codbixiyayaasha doorshooyinka Somaliland oo marka ay kasoo dhamaato gobolka sanaag oo ay ka socoto laga bilaabid oono gobolka sool aya kooxda khaatumo ee uu hogaamiyo hoe-jooge  Cali Khaliif Galaydh doonayaan inay ka hor-tagaan in sidii la doonayay diiwangalintu uga dhacdo deegaanada gobolka sool.

Waxayna dadwayanaha ku dhaqan deegaanadaasi u direen fariin qaldan iyaga oo doonaya in dadku ka hor yimaadaan diiwaangalinta.

Kooxdan nabad-diidka ah ayaa diyaariyaya maleeshiyaad kooban oo ay doonayaan inay weeraro ku qaadaan goobaha laga fulinayo diiwaangalinta,sida uu sheegay ninka kooxdaasi ugu magacaaban wasiirka ku xigeenka arimaha gudaha Abshir Cabdicasiis.

Ninkan oo warbaahinta taageersan kual hadlay meel aan la sheegin oo kamid ah gobolka sool ayaa sheegay “ Waxa noo qorshaysan inaan u arintaa diiwaangalinta af iyo adinba kaga hortagno oo aanay meelnaba kasoo galin deeganada Sool”ayuu yidhi ninkaas Abshir Cabd-casiis oo kooxdaasi ugu magacban wasiir ku xigeenka arimha gudaha.

Waxaan isaga oo hadalkiisa sii wata intaasi ku daray “ waxanu ugu tallo galnay in diiwaangalinta Somaliland ka hirgalinunta deegaanada Oog ka sokaysa”.

Ninkani waxa kale uu sheegay inay diyaariyeen ciidamo uu tilmaamay inay ka hortagayaan diiwaangalinta laga bilaabayo sool .

‘Waxaanu diyaarinay ciidamadii ka hor tagi lahaa diiwaangalinta iyo xoogaga dadwayne ah oo ka hortagaya waayo? Waxaanu diiwaangalinta ku furaynaa mawjad dadwayne hadii kale waxay ka dhigan tahay in doorasho ka dhacday dhulkan Sol”ayuu ku dooday ninka kooxdan nabad-diidka ugu magacaaban wasiir ku xigeenka arimaha gudaha.

Dawlada Somaliland ayaa iyadu aad uga digtoon dhibaatooyinka kooxaha nabad-diidka ah ee Khaatumo ka mid tahay la damacsan yihiin diiwangalinta codbixiyayaasha ee ka dhacaysa gobolka sool.

Badhasaabka gobolka sooal mudane Mustafe Cabdi Shiine oo xalay wargeyska Himilo khadka telefoonka ku waydiiyay sida uu u arko hanjabaadaa kasoo yeedhay kooxda Khaatumo ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Diiwaangalinta ma carqaladayn karaan kooxdaasi mana joogaan gobolka sool ee malaha buuhoodle weeyaan halka ay ka hadlayaan”ayuu yidhi gudoomiye Mustafe waxanuu intaasi ku daray  “ Hadayse isku dayaan ciidamo ayaa jooga xuduudaha oo dhan Kama soo gudbi karaan”

Gudoomiyaha gobolka sool waxa u sheegay inay diiwaangalinta doonayaan dadwaynaha gobolka sool.

“Diiwaangalinta waxa ogol dadwaynaha gobolka sool oo doonaya inay doortaan xildhibaanadoodii hore is xambaarka ku iman jiray”ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka sool.

Dhanka kale ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland oo horeba gacanta ugu hayay amaanka guud ee gobolka sool aya hadana kor u qaaday heeganka ay ugu jiraan sugidda amaanka hawlaha diiwaangalinta ee laga qaban doono gobolka sool iyaga oo u diyaar ah inay dhirbaaxo ku dhuftaan cid kast eoo isku dayda inay khalkhal galiso hawlaha diiwaangalinta codbixiyayaasha iyo amaanka guud ee qaranka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...
Kooxda la baxday Khaatumo ee ka dhaq-dhaqaaqda deegaano kamid ah gobolka sool  iyo buuhoodle ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay kaga hor-tagaan in deegaanada gobolka sool laga qabto diiwaangalinta codbixiyayaasha ee la filayo inay ka bilaabmato gobolka sool. DIiwaangalinta codbixiyayaasha doorshooyinka Somaliland oo marka...Somaliland: Maamulka Khaatumo Oo Diyaariyay Kooxo Maleeshiyaad Ah Oo Carqaladeeya Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Ee Ka Bilaabmaysa Gobolka Sool, Jawaabta Dawlada Somaliland, Iyo Heeganka Ciidamada Qaranka Somaliland