Waxa Uu Sheegay Inay Beesha Caalamku Tijaabinayso Inay Somaliland Ku Shaqayso Sharciga Ay Dhigatay Iyo In Kale
Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Somalia ugu dambayna ku soo laabtay Hargeysa ayaa ka hadlay qaddiyadda ictiraaf raadinta Somaliland iyo halka ugu dhaw ee lagala xaajoon karo.
Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in ictiraafka Somaliland aanu dalalka reer Yurub iyo Maraykankanka midna ku xidhnayn balse uu soomaalida dhexdeeda yaallo, sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi hordhac ah oo uu siiyey telefishanka Somali Cable. Ismaaciil Hurre Buubaa oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:
“Aniga waxay ila tahay ictiraafka ay raadinayso inaanu mid Swizerland iyo Sweden iyo Maraykan yaalla aanu ahayn mid soomaali dhexdeeda yaalla weeyaan”
Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sidoo kale si kooban uga hadlay qabsoomida doorashooyinka iyo sida ay beesha caalamku isha ugu hayso inay doorasho Somaliland ka dhaca, waxaana uu yidhi:
“Arrimaha Somaliland la eegayaa waxa weeyaan bal inay qawaaniinta ay dhigatay ku shaqaysay iyo in kale, sida ay bulshada caalamku u xiisaynayso iyo in hadilmee qawaaniintii la dhigay lagu shaqaynayo arrimahaas oo dhan kolka la fiiriyo waxaan filayaa inay lagama maarmaan tahay inay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto”.
Ugu dambayn Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa wax laga waydiiyey shirkii uu qaybta ka ahaa ee Masallaha, kala duwanaanshaha aragtidiisa siyaasadeed ee haatan iyo hore, waxaana uu dhamaan qodobadaas iyo kuwa kaleba kaga hadli doonaa waraysigiisa oo dhawaan bixi doona.