Somaliland: “Shirkaa GAR-XAJIS Daw Maaha, Ee Siyaasiyiinta La Yidhi Way Abaabulayaan Haka Noqdaan, Waayo? Nin Madaxnimo Doonayaa Inuu Yidhaahdo Anigoo Reer Hebel Ah Waa Ku Ceeb…”

Date:

“Xisbiyaa la furay oo Dawlad baynu nahay. Saddexda Xisbi ee jira Ninba kuu doono haka dhex hadlo, laakiin Reer baanu nahay oo meel baanu ku shireynaa waa Magac xumo, markaa shirkaasi yaanu dhicin waa Magac Xumo’e…”

Xaaji Cabdiraxmaan Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland isla-markaana hormood u ah Waayeelka Weedhooda la maqlo, ayaa ka digay qabashada Shir-beeleed abaabulkiisu ka socdo Magaalada Hargeysa, kaasi oo la sheegay inay qabsanayaan Beelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa dega (Gar-xajis).

Shirkan oo la sheegay in Dadka Abaabulaya ay ka mid yihiin Mujaahid Axmed Mire, Dr. Cali-Sanyare iyo Ismaaciil Hurre Buubaa isla-markaana hore uu Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland abaabulkiisa ugu eedeeyay Xisbiga WADDANI, ayaa Xaaji Cabdi Waraabe ku baaqay inaan la qabanin oo la joojiyo, maaddaama buu yidhi Somaliland soo dhaaftay Xilligii Qabyaaladda, oo ay mareyso Xilligii Xisbiyada.

Xildhibaan Xaaji Cabdi-Waraabe oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa fool xumo ku tilmaamay in xilligan la qabto Shir-beeleed.

“Shirkaasi Daw Maaha, inaynu ku noqonno Shir Qabyaalad ah ma joogno, Waayo? Waxaynu Curad iyo Cuudba ku waynay baa’biinta Qabyaaladda, iyadii haddaynu Imika bilowno Hambadeennaa is-raaceysa. Ceeb Weeye, in Garxajiskaa la sheegay iyo Qolo kale midna inuu reer Hebel ku shiro maaha, Xisbiyaa la furay oo Dawlad baynu nahay. Saddexda Xisbi ee jira Ninba kuu doono haka dhex hadlo, laakiin Reer baanu nahay oo meel baanu ku shireynaa waa Magac xumo, markaa shirkaasi yaanu dhicin waa Magac Xumo’e.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Ragga Odayaasha ah ee la yidhi Shaqadaasay abaabulayaan (Shirka) ama way ka hadleen waxaan leeyahay Raggaasi waa inay ka noqdaan Shirka. Nin Madaxnimo doonayaa inuu yidhaahdo Anigoo reer Hebel ah waa ku ceeb, Dadka iyo Dalkaba wuu iska xidhay. Xisbibaa lagu soo baxayaa, ee Reer Hebel lagu soo bixi maayo, Shacabkuna dooni maayo. Dumarka iyo Dhallinyarada waxaan leeyahay innaga ilaaliya Ninka Maanta bilaaba Reer Hebel Fidmuu wadaa oo Hambadeenna ayuu Hurdada ka kicinayaaye.”

Xaajigu wuxuu farriin u diray Siyaasiyiinta Abaabulaya Shirkaasi, “Siyaasiyiinta wada waxaan leeyahay haka baxaan, Ninkii Xisbi ka hadlayaa haka hadlo, laakiin Qabyaalad ma ogolin, Shacabkuna yaanu maqlin, Waayo? Ma joogno Goor aynu Qabyaalad bilowno.”ayuu yidhi, Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xaaji Cabdi-Waraabe).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...