Somaliland: Saaxil:-Nin Qaba Xanuunka Dhimirka Oo Xalay Weeraar Ku Qaaday Maqaaxi Ku Taala Magaalada Sheekh Ee Gobolka Saaxil+Khasaaraha Ka Dhashay+Magacyada Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Iyo Kuwa Ku Dhaawacmay Weerarka

Date:

War deg deg ah oo naga  soo gaadhay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil soona gaadhay xafiiska warqabadka shabakada wararka Ramaasnews ayaa sheegaya in xalay fiidkii abaaro 8-dii habeenimo uu nin maskaxda ka jiran ama qaba xanuunka dhimirka uu weerar kusoo qaaday maqaaxi lagu qaxweeyo oo ku taala magaalada sheikh.

Waxaana weerarkan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,ninka soo qaaday weerarkan ayaa lagu magacaaba Cabdilaahi Cali Dhaqato isaga oo ninkani sida naloo sheegay ku hubaysnaa waran uu sitay kaasi oo uu dadka ku laayay.

Waxaana goobjoogayaal aan saaka la xidhiidhnay ay noo sheegeen in ninkani uu qudha ka jaray laba ruux halka uu shan kalena dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyay, waxaana sidoo kale ay goobjoogayaashani ay noo xaqiijiyeen magacyada dadka ninka maskaxda ka jirani laayay waxaanay kala ahaayeen

  • Maxamed Cawil Dhegjar(Ina Dhagjar) oo uu qudha ka jaray
  • iyo Gaaruf Jaamac Bacaleel iyo uu isna qudha ka jaray

Sidoo kale dadka dhaawaca halista ahi kasoo gaadhay weerarkan ayaa  waxa kamid ahaa Cabdi Wiindhe oo loola cararay dhinaca cisbataalka magaalada Burco ilaa hadana aan la ogayn xaaladiisu siday tahay.

Waxa kale oo uu dhaawacyo kala duwan  ninka maskaxda ka jirani gaadhsiiyay kadib markii boolisku eryadeen afar ruux oo sida la sheegay laba kamid ahi dumar yihiin oo uu iyagana waranka ku dhaawacay kuwaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo cisbataalka Degmada sheikh.

ciidamada Booliska Degmada sheekh oo mudo kooban  eryanaayay ayaa la sheegay inay ugu danbayntii ku guuleysteen inay gacan ku dhigaan ninka dilka gaystay, isaga oo ku xidhan saldhiga degmada sheikh.

Gabagabadii wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay intaa ku darayaan in rasaastii ciidamada boolisku ku ridayeen ninka kahor intii aanay qaban ay ku dhacday wiil yar oo caruur ah kaas oo dhaawaciisa lagu daaweynayo cisbataalka Degmada sheikh.

Ninka dilka gaystay ee qaba xanuunka dhimirka ayaa waxa naloo sheegay inuu yahay nin deegaan ahaan degen degmada,waxaana xusid mudan in aanay wali ka hadal dhacdadan maamulka degmada iyo ka gobolka saaxil wolow la filayo inay saacadaha soo socda ka hadlaaan isla markaana ka war bixiyaan sida uu u dhacay weerarkani.

1-125

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...