“Ha La Ii Kordhiyo Wallahi Madaxwaynaha Kama Hayo Rabitaan-na Kuma Ogayn Ee Maalinta Ay Timaado…” Saleebaan Maxamuud Aadan
“Madaxwaynuhu Muddo Kordhin Dooni Maayo Ee Nimanka Doonayaa Waa Wakiiladan Kursiga Ku Maaraystay Ee Ku Daxalaystay” Muj Cali Gurey
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay hadal haynta muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada ama Xukuumadda midkood iyo sidoo kale kala qaadista labada doorasho ee wakiilada iyo Madaxtooyada.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inaanu waxba ka ogayn qorshaha muddo kordhinta ee la hadal hayo inta uu ogyahayna Madaxwaynuhu aaanu diyaar u ahayn inuu kursiga ku sii fadhiyo sidoo kalena waxa uu xusay inuu Madaxwaynuhu doonayo inay labada doorasho hal mar wada qabsoomaan. Guddoomiyaha oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:
“Waar waxan idin idhi anigu warkaas idin lama hayo Madaxwaynahana kama hayo wax hala ii kordhiyo wallahi kama hayo waxaas idinka (warbaahinta) ayaa walaaqay marka ay timaado gacanta na qabta oo ka daaya na dhaha laakiin maanta naguma jirto. Madaxwaynuhuna ma codsan rabitaan-na kuma ogayn waa in doorasho la gala, Madaxwaynuhuna maalintii u dambaysay wuxuu yidhi maalin la ii kordhin maayo labada doorashana waa dhacayaan”
Sidoo kale Mujaahid Cali Gurey ayaa isna dhankiisa ka markhaati kacay inaanu madaxwaynuhu doonayn wax muddo kordhin la yidhaahdo isagoo golaha wakiiladana ku eedeeyey inay yihiin kuwa dabada ka riixaya, waxaana uu yidhi:
“horta Madaxwayne doonaya in mudada loo kordhiyaa ma jiro markii uu baarlamaanka u sheegayay ee uu lahaa anigu maalin ku darsan maayana runtii ayay ahayd haddana ma rabo, nimanka muddo kordhinta rabaa waa nimanka wakiilada ee 12 sanadood kursiga fadhiyey eek u maaraystay eek u daxalaystay ee runjinadooda aan ka baqayn inuu qaranku teetano ka qaado oo doonaya in doorashada Madaxwyanahana la soo horaysiiyo toodana dib loo dhigo.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.
Isku soo wada duuboo inta shacabka Somaliland aya fahansan inaanu Madaxwayne Siilaanyo dan ka lahayn muddo kordhin loo sameeyo oo uu intiisan ku niyad san yahay