Somaliland: Ex Wasiir Cabdikariim Axmed Mooge Oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta La Hadal Hayo,Kuna Eedeyey Inay Daba Ka Riixayaaan Siyaasiyiin Iyo Fariina Uu U Direy Madaxwaynaha Somaliland

Date:

wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Mudane Cabdikarim Axmed Mooge kana mid ahaa wasiiradii iska casilay xukumada madaxwayne siilaanyo ayaa ka hadlay muddo kordhin mudooyinkii u danbeyeyba la hadal hayay oo ah in muddo kordhin loo sameeyo madaxwaynaha Somaliland,waxaana uu tilmaamay in muddo kordhintu tahay awoodii shacabka oo la maroorsaday.

Dhanka kalena Cabdikarim Axmed Mooge ayaa ku eedeayey inay dabada ka riixayaan muddo kordhinta siyaasiyiin uu sheegay inay ujeedka ay siyaasada usoo galeen  tahay hanti urursi, waxaana uu fariin u direy madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxaana Cabdikarim Axmed Mooge uu arimahani kaga hadlay qoraal uu soo dhigay baraha ay bulshadu ku kalanto waxaana uu qoraalku u dhignaa sida tan.

 

MUDO KORDHINTU WAA AWOODI SHACABKA OO LA MAROORSANAYO

Ummaddani waxay u codaysay dastuur cayimay mudo xilleedkasta haday tahay ta madaxweynaha iyo goloyaasha barlaamaankaba, sidoo kale in doorasho kasta la qabto xilligeeda waxa ku jirta xigmad weyn oo ah in qofkii la doortay marka uu mudo xilleedkiisa dhamaysto in uu shacabku la xisaabtamaan oo iyagu go’aan ka gadhaan in ay dib u doortaan iyo in ay kala noqdaan kalsooni ay ku siyeen codkooda. Mudo kordhintu waxay ka dhigantahay awoodu shacabka oo la maroorsanayo waayo waa dastuuri in awoodu shacabka loo soo celiyo 5tii sanoba mar si ay u abaal mariyaan kuwii wax u qabtay ugana aar gutaan kuwii la kufay masuuliyadii ay u doorteen

Mashruucan mudo kordhita oo ay inta badan ay dabada ka rixaan koox anay Somaliland mahadin oo siyaasada u soo galay in ay ka tajiraan oo maal ku urursadaan siyaasadiina kaba dhigay ganacsi iyo maal urursi ayaa iminkana bilaabay in ay u ololeeyaan mudo kordhin

Madaxweynaha qarankan ayay tahay in uu isticimaalo awoodiisa dastuuriga ah oo ummadda ka amusiiyo kooxdan hungurigoodu kala weyn yahay Somaliland, Maanta madaxweynahayga waxaan ka filayaa in uu raaco tubtii Daahir Riyaale Kaahin, kaga diiday goloyaasha guurtida iyo barlaamaanka mudo kordhintii ay u soo jeediyeen ee inta uu maxkamada dastuuriga ah u gudbiyay waliba kaga guulaystay! go’aankaas oo tariikhi ahaa Somalilandna ka badbaadiyay qallalaase siyaasadeed, isagoo heli karayay in uu iska sii fadhiyo kursiga madaama oo goloyaashi sharci dajintu u ansixiyeen

Madaxweyne waa maalintaadi ee qor tariikh kale oo ka diid kooxdan durtaba bilowday in ay tumaan durbaanada mudo kordhinta waayo waxaaan ogaa in aad necbayd mudo kordhinta xiligii aad mucaaradka aad hayd!

Raga tumaaya durbaanada mudo kordhintana waxaan leeyahay waar ka xishooda shacabka waxan aad wadaan aduunka waa ka foolxumo, xitaa wadamada ay ka taliyaan kalitaliyayaashu ayaan isticimaalin mudo kordhin ee doorasho qabta hakuba shubtaane! Somaliland haka dhigina wadan dimuqraadiyada ku soo kordhiyay wax la yidhaahdo mudo kordhin oo ka dhigan fashil iyo shaqo ay hayd in la qabto oo la qabanwaayay iyo maroorsi awoodi shacabka oo la maroorsanayo.

 

Si kasteba ha ahaatee waxa mudooyinkii u danbeeyeyba soo if baxayay aadna loo hadal hayay muddo kordhin loo sameeyo madaxwaynaha somaliland taasi oo ay aad u hadal hayaan bulshada Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...