Somaliland: Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha Oo Sabtidda Ka Bilaamaysa Gobolka Sanaag

Date:

Diiwaangelinta  codbixiyeyaasha ayaa la filayaa  in ay  maalinta Sabtidda ah ee 15-ka  bishan July si rasmi ah uga bilaabanto  gobolka Sanaag iyo degmooyinkiisa. Waxaana  la qorsheeyay in 196 goobood in ay ka dhacdo diiwaangelintu.

Xubno ka mid ah  komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo  maalmihii la soo dhaafay   ku sugnaa gobolka Sanaag  ayaa  gobokaasi ka waday  hawlaha loogu  diyaar-garoobayo  sidii  diiwaangelinta codbixiyeyaasha.  iyadoo ay shirar iyo kulamo la yeelanayeen madax-dhaqameedka gobolka, wacyigelinta bulshadda, ababarka  shaqaalaha, diyaarinta gaadiidka iyo sidoo kale qalabka dhinaca is-gaadhsiinta ee loo adeegsanayo fududaynta   hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Sidaasina waxaa   noo xaqiijiyay af-hayeenka komishanka doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.  Halkaasi oo ay isaga iyo xubno kale ka tirsan komishanka doorashooyinku u joogaan abaabulka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Isagoo arrimahaasi ka warbixinayayna  waxa uu yidhi “Diiwaangelinta codbixiyeyaashu waxay goblka Sanaag ka bilaabmaysaa maalinta Sabtida ah, oo bisha July   ay  tahay 15-ka. Hawsha abaabulka iyo diyaar-garowgana  waanu wadnaa, xagga amaanka goobaha ay diiwaangelintu ka dhacayso dawladda ayaa wadda oo xoojinaysa. Goobihiina waanu soo wada marnay, ee  ay ka dhacayso diiwaangelintu oo waanu soo calaamadinay.  Shirkadda Telesom-na way wadaa hawsheedda, goobaha Biraha laga taagayo, ee xagga Internet-ka iyo is-gaadhsiinta keenaya.

Tiradda goobaha gobolka Sanaag ee la qorsheeyay in diiwaangelintu ka dhaco, waa 196 goobood. Goob kastana sagaal qof oo shaqaale ah ayaa ka hawl-gelaya. Laba baabuur ayaana u jooga oo qaadaya qalabka iyo shaqaalaha. Wixii  ka baxsan magaaladda Ceerigaabo gudaheeda 10 goobood ayaa ku yaalla”.

Waxa uu sheegay   af-hayeenka komishanka doorashooyinka  in ay tababarro u bilaabeen shaqaalaha ka hawl-gelaya goobaha diiwaangelinta kuwaasi oo bil  ka hor la tababaray, hase yeeshee  intii lagu jiray bishii Ramadaan  oo fasax lagu jiray  in dib loo xasuusinayo casharadii la baray.

Siciid Cali Muuse, waxa uu intaasi ku daray  in ay kormeer ku soo mareen degmooyinka gobolka Sanaag, isla markaana ay kulamo la yeesheen  bulshadda qaybeheedda kala duwan iyo madax-dhaqameedka oo ay kala hadlayeen sidii ay  kaalintoodda uga qaadan lahaayeen hawlaha wacyigelinta iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

“Waxaanu dib u bilawdnay tababarkii ardayda, waayo waa kuwii bil ka maqnaa, markaa tababarkii ayaanu  u bilawnay, iyadoo ardayda dib loo xasuusinayo  wixii hore oo ay bishii  la soo dhaafay  dhigteen, oo Ramadaantii ay ka maqnaayeen. Maantana (shalay)   malaintii labaad ayay ahayd, beri-na (maanta) qaybo kale ayaa tababarka gelaya. Waxa kale oo jira arday cusub oo oo ah kuwii hore ee aanu imtixaanka ka qaadnay,  oo aanu u baahanay  kuwii ay derejadoodu saraysay  aanu ka qaadanay, oo iyagana  tababarka   gelaya. Waxaanu la shirnay dadka degaanka  iyo madax-dhaqameedka oo aanu kala hadlaynay sidii qolo waliba degaankeedda u xoojisan lahayd. Wacyi gelin ku saabsan  sidii ay u bilaabi lahaayeen hawshaasi iyo wacyigelintu waxay tahay  iyo hawshu sida ay u soconayso in ay dadka u sheegaan”.

Mar uu ka hadlayay  hawl-gelinta dhinaca gaadiidka ee lagu fulinayo hawsha diiwaangelinta iyo halka ay marayso hawsha wacyigelinta waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu samaynay, waxaa wacyigelinta ka qayb qaadanya oo  fulinaya,  afar urur oo kuwa NGOs-ka loo yaqaano ah, oo ay hay’addo   soo siiyeen qandaraaska wacyigelinta,  SDCO, mid la yidhaahdo HALGAN,  AADO iyo mid kale oo ay leeyihiin dadka naafadda ah, ayaa bilaabay wacyigelinta oo maalmahan ka waday degaamadda gobolka Sanaag” ayuu yidhi af-hayeenka komishanka doorashooyinka Somaliland. Waxa kale oo la  wadaa hawshii gaadiidka, oo shirkadii ku guulaysatay  ay xisaabinayso ama qiimaynayso tiradda gaadiidka ka hawl-gelaya, iyadoo la diiwaangelinayo baabuurta, la iskana eegayo Tayadda baabuurta, waayo gobolkani waa  gobol  aad u baaxad weyn, degmooyinkiisuna  ay kala fog yihiin,  buuralay ah, loona baahan yahay baabuur iska celin karta  ama mari karta dhulkaasi buuraha iyo dhagaxaanta ah”.

Waxa kale oo uu  sheegay Siciid Cali Muuse, in maalinta Arbacadda ee todobaadka soo socda in magaaladda   Ceerigaabo lagu qaban doono xaflad balaadhan oo lagu shaacinayo   goorta ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu  ka bilaabmayso gobolka Sanaag.  Isagoo ka faahfaahin ka bixinayay  arrintaasi iyo mudadda loogu tallo galay in diiwaangelintu ka socoto goblka Sanaag,  waxa uu yidhi “Maalinta  la daah-furayo  ama si rasmi ah loo shaacinayo, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Sanaag, waa maalinta Arbacadda ah ee soo socota. Waxaa ku xigaysa maalinta Khamiista ah oo iyadna goobaha fog-fog  ee loo baahanyo in loo socdo wax ka badan maalin, waxaa la dirayaa shaqaalaha, qalabkoodda iyo gaadiidka qaadaya. Hase yeeshee inta badan gobolka shaqaalaha iyo baabuurta goobaha ay diiwaangelintu ka dhacayso waxaa  la kala dirayaa, oo ay  bilaabmaysaa maalinta Jimcaha ah. Marka ay maalinta Jimcaha wada baxaan, maalinta Sabtida ahna waxaa si rasmi ah gobolka oo dhan uga bilaabanaysa diiwaangelintii codbixiyeyaasha”.

Waxaanu intaasi ku daray “Sidii caadiga ahayd, ee goboladii kaleba 28 maalmood ayay diiwaangelintu ka soconaysaa.   Magaaladda  Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, iyada 14 maalmood ayay marka hore diiwaangelintu ka soconaysaa. Wejiga labaad ama qaybta labaad ee diiwaangelinta goobaha waa la yaraynayaa,  10-kii goobood ee magaaladda Ceerigaabo gudaheedda ahaa, markaa waxaa isugu soo hadhaya 5 goobood. Degmooyinka kale iyaga 7 maalmood ayay ka soconaysaa, inta danbe goobo tiro yar ayaa la soo reebayaa,  oo ah 21 maalmood ee hadhay.  Dhulka Miyaga ah, iyagana waa 7 maalmood, meeshii  la arko iyadoo dadku ku badan yahay, waa loo kordhinayaa goobaha oo taasi komishanka ayaa isla eegaya, meel-na laba rabo  in dadkii oo jooga oo diiwaangelin u diyaar in laga  yimaado. Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland waxaa ka go’an inta mudadda ugu badan  ee suurto-galka ah, mudadaasi in uu u diiwaangeliyo dadka, qof isagoo taagan oo safka ku jira sanduuqa laga soo qaadayaa ma jirayso”.

 

Gobolka  Sanaag ayaa noqonaya gobolkii shanaad  ee ay ka dhacdo  diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyadoo hore looga soo qabtay goboladda Saaxil, Awdal, Togdheer iyo Maroodijeex.  gobolkan Sanaag uu waxyaabo badan kaga duwan yahay   goboladii hore looga soo qabtay diiwaangelinta, sida dhinaca amaanka,  baaxadiisa iyadoo ay degmooyinkiisu kala fog yihiin iyo dhulka gobolkaasi uu ku yaallo oo  badan dhul  buuraley ah.

Siciid Cali Muuse, af-hayeenka komishanka doorashooyinka arrimahaasi sharaxaad ka bixinayayna waxa uu yidhi “Gobolkani wuu ka duwan yahay goboladdii  hore  ee  diiwaangelinta codbixiyeyaasha looga soo qabtay,  baaxadiisuna  way balaadhan tahay, amaankiisuna wuu ka duwan yahay goboladii hore.  Laakiin markii  ay arrimahaasi ka wada tashadeen   xukuumadda Somaliland iyo komishanka doorashooyinka qaranku, waxay is-la garteen   in ay lagama maar-maan tahay amaanka in la xoojiyo,  taasi oo ay xukuumaduna nala qaadatay”.

 

Dhinaca kale,  waxaa la sheegay in magaaladda Ceerigaabo uu gaadhay taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Sareeye guuto C/laahi Fadal Iimaan iyo saraakiil kale oo ciidamadda ka tirsan iyo sidoo kale  wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo masuuliyiin kale.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...