Prof Axmed Ismaciil Samater ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib muddo sanad iyo badh ah oo uu dalka ka maqanaa
Siyaasiga oo caawa hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa kula hadley wariye Badri Koosar oo ka tirsan suxufiyiinta telefishanka Star Tv ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu shaaciyey in wakhtigani ay tahay wakhtigii uu go,aan lahaa xisbigii uu ku biiri lahaa saddexda xisbi ee dalka ka jira
Sidoo kale waxaa uu Prof Samater uu is bar bar dhig ku sameyeey maalmaha xuska 18 May Iyo 26 Junne waxaana uu sheegay in aragti ahaan uu qabo xuska 18 May in ay ka weyn tahay maalintii uu dalkani uu dhashey ee 26 Junne.