Somaliland: Oo Si Ramsi Ah Loogu Marti-qaaday Shirka Dhaqaalaha Afrika Ee Ka Socda Waddanka Rwanda.+ Sawiiro

Date:

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qaybgashay shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha adduunka ee u gaarka ah Afrika (World Economic Forum on Africa), kaasoo si rasmi ah uga furmay magaalada Kigali ee waddanka Rwanda shalay, isla markaana socon doonaa ilaa Jimcaha berri oo taariikhdu tahay 13  May 2016.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dawladda uga qaybgalaya shirka oo si rasmi ah loogu casuumay, kaas oo ay isugu tageen in ka badan 1,500 ergay oo isugu jira madax, siyaasiyiin, aqoonyahanno, ururro bulsho, ganacsto iyo xeel-dheerayaal dhinaca dhaqaalaha ah oo ka kala yimi daafaha dunida.

Dr. Sacad Cali Shire oo khudbad ka jeediyey shirka maalintiisii kowaad ee uu furmay, waxa uu kaga hadlay dhaqaalaha Somaliland iyo heerarka kala duwan ee uu soo maray, baahiyaha horyaal si uu u sii koro iyo imkaaniyaad fududeyn kara kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika.

Shirkan dhaqaalaha adduunka ee loogu talogalay Afrika, waxa hal-ku-dheg looga dhigay in la isku xidho khayraadka Afrika iyadoo la adeegsannayo habka tiknoolajiga casriga ah, si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaale iyo isu-gudubka ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha, taas oo wax ka qaban karta kobaca hooseeya ee dhaqaalaha qaaradda Afrika iyo hannaanka nololeed ee dadkeedu ku sugan yihiin.

Dhawr madaxweyne oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalkiisu martigalinayo shirka ee Rwanda iyo ka Kenya, ayaa iyaguna khudbado ka jeediyey shirka.13178727_10207576723828854_7705346239879276077_n13177273_10207576723388843_3179466966157659889_n

13179290_10207576724188863_1179480116815133435_n13177679_10207576725068885_4356896261205357108_n1.9111545

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...