Wakhtigii aan safiirka ka ahaa Kenya waxa dhacday in Baabuur “Mercedes” ah oo uu leeyahay Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, Daniel Arap Moi, ay niman Soomaali ahi ka af-duubeen jidka. Waxay baabuurkii gaysteen Muqdisho.
Magaalada gudaheeda ayey ku wateen isaga oo uu lambarkii Kenya ka muuqdo. Waxay subax walba hor maraan safaaradda Kenya ku leedahay Muqdisho oo saaran jidka Maka-Al-Mukarama.
Safaaraddii Kenya ayaa u dacwootay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya kana codsatay in gaadhiga la qabto gacantana loo soo geliyo safaaradda. Wasaaradda ayaa ka dhego-adaygtay in ay arrintaasi foosha xun wax ka qabato. Anigu baabuurkan la xaday kama war qabin.
Subax ayaa la iiga yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya. Waxaan la kulmay Wasiirkii Arrimaha Dibedda Dr. Munyua Waiyaki oo uu la joogo Agaasimihii Guud Mr. Kibinge. Wuxuu wasiirku igu yidhi:
“Baabuur “Mercedes” ah oo uu Madaxweyne-ku-xigeenku leeyahay oo Nayroobi laga xaday ayaa tuugtii Muqdisho dhexdeeda ku wataan lana soo hor maraan safaaraddayada Muqdisho ku taalla. Waa waxaan naga suuroobin gaadhi laga xaday Muqdisho oo uu leeyahay Madaxweyne-ku-xigeenka Soomaaliyeed in lagu dhex wato magaalada Nayroobi. Safaaradda Kenya ee Muqdisho waxay la xidhiidhay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliyeed, waanay la socodsiisay arrinta baabuurka. Wasaaraddu waxba kama qaban arrintii. Waxaan kaa codsanayaa in aad dawladda gaadhsiisid sida aanu arrintan uga xunahay una sheegtid in ay dhaawac u gaysan karto xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.”
Aad ayaan uga xumaaday arrintan wasiirku ii sheegay. Markii aan safaaraddii ku soo noqday ayaan telefoon u diray Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Wasiirka Arrimaha Dibedda. Waxaan ka codsaday in uu arrinta baabuurka wax ka qabto. Wuxuu iigu jawaabay:
“Waxay nimankan Soomaalida ahi ku doodayaan in ay iyagu baabuurka leeyihiin.”
Waxaan ku idhi:
“Ma nimankan dhallinyarada ah ayaa yeelan kara baabuur Mercedes ah oo nooca ugu qaalisan ah? Tan kale, ma dawlad ayaa sheegan karta gaadhi aanay lahayn?” Wada-hadalkayagii wuxuu ku dhammaday is-afgaran la’aan.
Waxa kale oo aan telefoon u diray Axmed Saleebaan-Dafle, Taliyahii Sirdoonka Soomaaliyeed oo awood u lahaa in uu baabuurka qabto inammada watana xabsiga dhigo. Axmed Saleebaan wuu ii qiray in ay tahay arrin fool xun. Wuxuu ii sheegay in uu wixii suurta-gal ah ka qaban doono. Wuxuu kaloo ii sheegay in ay inamadan baabuurka soo xaday meel adag dhabarka saareen. Meesha ay dhabarka saareen iima uu sheegin aniguna maan weydiin.
Waxaa telefoon ii soo diray Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya Mr. Charles Njonjo. Kenya ma lahayn wasiir caddaaladeed; Xeer-ilaaliyaha ayaa ahaa Wasiirka Caddaaladda. Charles Njonjo wuxuu ahaa wasiirka ugu awoodda badan aadna looga baqo, sababtoo ah isaga ayaa gacanta ku hayey waaxda caddaaladda ee dalka. Wuxu awood u lahaa in qofka ka hor yimaadda uu si fudud loo xidho. Wuxuu kaloo aad ugu dhowaa Madaxweyne Kenyatta, isaga oo aabihii Paramount Chief Njonjo ahaa Nabaddoonka Guud ee qabiilka Kikuyuda oo uu ka soo jeedo Madaxweyne Jomo Kenyatta.
Wuxuu Xeer-ilaaliye Njonjo iga codsaday in aan arrinta baabuurka Moi wax ka qabto. Waan ballan-qaaday. Waxa intii aan la fadhiyey wasiirka na dhex martay sheekooyin xiiso badan. Waxa maalmahaas si xooggan dalka uga socday olole la doonayo in dastuurka dalka wax lagaga bedello. Waxa ololahaasi hormood ka ahaa siyaasiin culus oo dhammaantood ka soo jeeda qabiilka Kikuyuda ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Jomo Kenyatta. Kooxdaasi waxay la baxday “Change the Constitution Group” ama “Kooxda Wax-ka-beddelka Dastuurka.” Qodobka ay rabaan in laga saaro Dastuurku waxa weeye qodobka qoraya “Haddii Madaxweynuhu geeriyoodo xilka waxa la wareegaya Madaxweyne-ku-xigeenka muddada saddexda bilood ah ee doorashada ka horreysa.” Waxay rabeen in uu xilka Madaxweynaha ku meel-gaadhka ah la wareego Guddoomiyaha Barlamaanka ama Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Danta siyaasiintaasi lahaayeen waxay ahayd iyaga oo diidanaa in uu Daniel Arap Moi noqdo Madaxweynaha Dalka.
Sheekadii aan la lahaa Charles Njonjo waxay taabatay ololahan la rabo in dastuurka dalka wax lagaga beddelo. Wuxuu iigu yidhi:
“Daniel Arap Moi saaxiib ayaan la ahay. Waa nin miskiin ah oo wanaagsan. Qabiilkan Kikuyuda ee aan ka dhashay kabahoodii ayey ka weynaadeen. Waxay mooddaa in ay Kenya kaligood iska leeyihiin. Ma rabaan in cid kale dalkan Madaxweyne ka noqoto. Waxaan rabaa in aan tuso in dalka lala leeyahay oo aanay keligood lahayn oo Daniel Arap Moi oo ka soo jeeda qabiilka “Kalenjin” uu dalkan Madaxweyne ka noqon karo. Ololahan socdana berrito wixii ka dambeeyana maqli meysid.”
Subaxii dambe ayuu Charles Njonjo, Xeer-ilaaliyaha Guud, sharci hor-geeyey Baarlamaanka Kenya kaas oo dambiile ka dhigaya qof allaale qofkii ka hadla ama male-awaala geerida Madaxweyne Jomo Kenyatta. Sidii uu ii sheegay maalin labaaddiiba ololihii xooganaa ee dalka ka socday halkii ayuu isku taagay. Charles Njonjo wuu ku guuleystay in uu Daniel Arap Moi ka bedbaadiyo siyaasiintii Kikuyuda ee awoodda badnayd, kana dhigo Madaxweynaha dalka Kenya, jagadaas Madaxweynenimada oo Arap Moi hayey muddo 24 sanno ah.
Waxa ii muuqatay in sida keliya ee arrintan baabuurka wax looga qaban karaa ay tahay anigoo la xidhiidha Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Warar aan Muqdisho ka helay ayaa ii sheegay in inammadii tuugta ahaa loo abuuray sumcad ah “Geesiyaal baabuur Madaxweyne-ku-xigeen leeyahay ka soo kaxaystay Nayroobi, soona dhex mushaaxay dalka Kenya, kalana soo tallaabay xuduudda Soomaaliya la leedahay Kenya.”
Maxamed Siyaad Barre waxan ku aqaanay in uu ahaa shakhsi markaa aad arrin maan-gal ah ula tagto markiiba aqbala. Telefoon ayaan u diray. Wada-hadalkaygii sidan ayuu u dhacay:
Aniga: Markii aad Nayroobi ii soo beddeshay ballankeenu wuxuu ahaa in aan hagaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal. Waxa hadda ii muuqata in uu ballankeenii is-beddel ku yimid.
Siyaad Barre: Maxaa Jira?
Aniga: Baabuur “Mercedes” ah oo Arap Moi lahaa ayaa inamo Soomaali ahi ka xadeen Nayroobi. Waxay la tageen Muqdisho, waxayna ku dhex wataan magaalada. Safaaraddii Kenya ayaa u dacwootay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Wasaaradu way iska dhego-tirtay. Dawladda Kenya ayaa i soo gaadhsiisay sida ay arrintan uga xun tahay. Waana arrin xidhiidhka labada dal dhaawici karta.
Siyaad Barre: Ma la hadashay Cabdiraxmaan Jaamac Barre (Wasiirkii Arrimaha Dibedda) iyo Axmed Saleebaan?
Aniga: Labadaba waan la hadlay. Wax natiijo ahina kama soo bixin.
Siyaad Barre: Waar wuxu miyaanay xishoonayn. Aniga ayaa si dhakhso ah amar u dhiibaya.
11.00-kii subaxnimo ayay ahayd markii aan Madaxweynaha la hadlay. Waxa Xamar la iiga soo sheegay in isla maalintii 12.00-kii duhurnimo gaadhigii boliisku gacanta ku dhigeen wiilashiina la xidhay. Bil kadibna, waxa baabuurkii dib loogu soo celiyey magaalada Nayroobi.