Somaliland: Mujaahid Dhaga-wayne Oo Ku Baaqay In Mudaharaad La Sameeyo Lana Joojiyo Cashuuraha La Bixiyo,Xukumaddana Ku Eedeyey Boobka Hantida Dadwaynaha

Mujaahid Dhaga-wayne ayaa maanta dadwaynaha reer Somaliland ugu baaqay in la sameeyo mudaharaado aan kala go’ lahayn oo lagaga soo hor jeedo xukumadda Somaliland ee talada dalka haysa isaga oo dhanka kalena ugu baqay in la joojiyo cashuuraha la bixiyo madaama aan dalka waxba loogu qabanayn.

Waxana mujaahid Dhaga-wayne hadalkan ka sheegay madal ay iskugu yimaadeen salaadiinta subeer awal oo ay kaga hadlayeen arimo la xidhiidha salaadin ay xukumadu xidh-xidhay.

Waxaana mujaahid dhaga-wayne uu sidoo kale sheegay in ay xukumadda talada dalka haysaa ay iibisay guryihiin iyo hantidii dadwynaha.

Mujaahidka oo arimaha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi.

“Waad la wada socotaan wax dalka ka socda,xukumaddani wax dawwo ah oo ay inoo sida ma jirto,guryihii iyo hantidii umadu lahayd waa lawada boobay, waad aragtaan oo meel aan la iibin ama la wareejin ma jirto, iminkana dekedii ayaa loo socdaa in la iibiyo,arimahanina guri yar oo laga soo hadlo iyo meelo lagaga hadlo midna kuma dhamaanayaan xalna lagaga gaadhi maayo, waa inaynu ka durugnaa cashuurta waa in l jooja mudaharaad aan kala go’ lahayn waa in la sameeyaa 24 saacadood oo isku xiga xukumaddani sii jiri mayso “Sidaas ayuu yidhi mujaahid Dhaga-wayne.

Comments

comments