Somaliland: Shakhsiyan Anigu Lix Jeer Ayaan Codeeyey Aftidii Dastuurka Iyo Shantii Doorasho Ee Hore, Shantuba Wax bay Tareen”

????????????????????????????????????

“Adduunyada Ma Jirto Hawl Dhammaataa Oo Mar Walba Waa Qabyo Oo Mar Walba Dhaliil Baa Jiraysa, Dhaliishana Waxa Lagu Beddelaa Dadka Oo Tashada Oo Yidhaa Tii Hore Aynu Gufayno”

Murrashax Muuse Biixi Oo Warqadda Kaadhka Codbixinta Ka Qaatay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha, Soona Kormeeray Goobaha Diiwaangelinta Ee Shanta Degmo Ee Caasimadda Hargeysa

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si indheer-garadnimo leh uga hadlay muhiimadda ay leedahay diiwaangelinta codbixiyayaasha ee hadda ka socota Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolkii afraad ee laga hirgeliyo Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi oo warqadda isu-diiwaangelinta kaadhka codbixinta ka qaatay xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Hargeysa maanta, isagoo markii dambena soo kormeeray goobaha ka socoto diiwaangelinta ee shan degmo ee magaalada oo ku dhiirrigeliyey dadweynaha inay si buuxda uga qaybgalaan diiwaangelinta, waxaannu si faahfaahsan uga hadlay waxtarka is-diiwaangelintu u leedahay qaranka, degaanka iyo qofka muwaadinka ahba.

Md. Muuse Biixi oo hadal u jeediyey warbaahinta kadib markii uu is-diiwaangeliyey, waxa uu si celmiyeysan u naqdiyey dadka shakiga galinaya diiwaangelinta, waxaannu soo bandhigay faa’iidada codayntu u leedahay horumarka waddanka.

Isagoo arrimoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Dawladnimadu waa sida dhirta ama bani’aadamka oo kale oo waa la koriyaa oo kolba waxa la hagaajiyaa oo la soo kordhiyaa. Diiwaangelinta codbixinta ee maanta awoodda ay leedahay waxa weeye in qofku in madaxda ka uu doonayo soo saaro, xisbiga uu doonayana u codeeyo, diiwaangelintu waxay leedahay kaalay oo tali oo qofkaad is leedahay wax buu tarayaa uun dooro, diiwaangelintu waxay leedahay kaalay oo is-diiwaangelin oo xildhibaanka aad is leedahay wax buu tarayaa berri dooro, waxa leeyahay muwaadinka diiwaangelinta qaado si aad u doorato xildhibaannada Golaha Deegaanka, sannad kadibna waxa innagu soo socda doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtooyada, faa’iidooyinka kale ee ay leedahay waxa weeye sidii la sheegay gobol ama degmo walba waxa la soo saarayaa intii iska diiwaangelisay tiradeeda, waxaana laga qaadanayaa qiyaasta tirada dadka ku nool, kadibna halkaa waxa ka imanaya xaddiga dadka loogu qaybinayo adeegyada bulshada ee caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iyo kuwa kale. Sidaas darteed, waxaannu dadka ugu baaqaynaa inay is-diiwaangeliyaan.”

“Waxa jira tashuushyo badan, dadka qaar baa waxay ku leeyihiin dadka kuwii hore ee aannu dooranayba waxba noomay tarin, wax way tareen oo qof walba oo la doortay wax buu qabtay, laakiin qabyada taala mar lama wada dhammaystiri karo, anigu shakhsiyan lix jeer ayaan halkan ka codeeyey  (guriga shaqaalaha dawladda), aftidii dastuurka iyo shantii doorasho ee hore iyo haddii Alle yidhaa ta dambe oo aan maanta isu-diiwaangeliyey, shantuba waxbay tareen, maalintii dastuurka aynu u codaynay maalmo ka hor Alle ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Madaxweynihii labaad ee Somaliland) wuxuu lahaa waxa jiri doonta Hargeysa oo daaraheeda dhaadheeri kuwa Abu Dubai la mid noqdaan, maalintaasi fooq keliya kamuu dhisnayn Hargeysa, ciidankeennuna wuu tayo yaraa waxaa maanta ciidan inoo dhisan aad arkaysaan, waa aragti ta uu maalintaa ku baaqayey waa bilow weliba, madaxweynayaashii ka dambeeyeyna mid waliba intii in le’eg ayuu ku daray, kuwa ka dambeeya sannadaha soo socdaana way ku sii dari doonaan, adduunyada ma jirto hawl dhammaataa oo mar walba waa qabyo, mar walba dhaliil baa jiraysa, dhaliishana waxa lagu beddelaa dadka oo tashada oo yidhaa tii hore aynu gufayno.”

Waxa kaloo uu ku dhiirrigeliyey dadweynaha inay ka qaybgalaan horumarinka iyo hagaajinta nidaamka dawliga ah, isla markaa ciddii dhaliilsan masuuliyiin ay hore u doorteen ay isku dayaan inay toosiyaan ama cod ku beddelaan, isagoo meesha ka saaray in aanay wax qaban madaxda kala duwan ee ku soo baxay xilalka doorashooyinkii u dambeeyey.

“Maanta qofka muwaadinka Somaliland ah waxaan leeyahay kaalay waxtarkii hore wax ku dar, dhaliishaad tabanayso kaalay toosi, qarankaaga wax ka dhis, mustaqbalka ubadkaaga dhis, qofku markuu kaadhka diiwaangelinta qaato qofkuu isleeyahay wax bay taraysaa ayuu u codaynayaa, mid kale ayaad xaq u leedaha oo diiwaangelintu ku leedahay waa is-sharrax muwaadin kastaa madaxweyne ayuu isku sharraxi karaa, xildhibaan buu isku sharraxi karaa, xafiiskaad dhaliilayso ayaad adigu tagi kartaa oo aad toosin kartaa, bal markaa qofka leh qaadanmaayo diiwaangelinta haddaad tidhaah anigu waxba dooranmaayo oo qofka hagaagsan wax u dhiibimaayo, aniguna is sharraxi maayo arrinkaasi wuxuu yahay ii sheeg ma dalkaanad wax ku tarayn, ma qof jiraanad ahayn, ma mustaqbal baanad doonayn? Bal waxaad hayso ee ra’yi ah ee dadka aad taa ugu diidayso noo sheeg.

Diinteena ayaa ina fartay oo ina tidhi tashada, kaalay oo tali oo qaado kaadhka oo ugu codeey kaad isleedahay waxbuu tarayaa dalka. Markaa waxaannu ugu baaqaynaa dadka hadallada isma diiwaangelinayno leh ee sida aan aragtida lahayn u jawaabaya, diiwaangelintu waa xaq iyo waajib waddan oo ku saaran, waa mid diini ah.

Markaa muwaadin dhaliisha toosi oo inta uu hayo qofka xilka hayaa qabtay taageer, ku cannaano, haddii aad isaga dhaliilayso beddel, haddaad adigu waxqabanayso oo aad dhaanto kaalay is-dooro, laakiin is diiwaangelinmaayo caqli maaha,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen hoggaanka iyo madax kaloo ka tirsan xisbiga, waxa uu koreer ku soo maray meelo ka mid ah goobaha diiwaangelinta codbixiyayaashu ka socota ee shanta degmo ee Hargeysa, iyagoo socodkooda ku soo maray goobaha Macallin-daa’uud ee degmada Axmed-dhagax, Dugsiga hoose/dhexe ee Maxamed Mooge ee demgada Maxamuud Haybe, Ina Af-diinle ee degmada Gacan-libaax, Dugsiga hoose/dhexe ee Biyo-dhacay ee demgada 26-ka June iyo madarasada Al-irshaad ee degmada Ibraahim Kood-buur, kuwaas oo dhammaantood ay soo indho-indheeyeen habsami-u-socodka shaqada diiwaangelinta.

Waxa kaloo Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta wehelinaysay ay bogaadinayeen dad safaf ugu jiray is-diiwaangelinta goobaha ay mareen, iyagoo dadka kalena ugu baaqayey inay xil gaar ah iska saaraan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo fure u noqon doonta codbixinta doorashooyinka soo socda ee ugu soo horreeyaan Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada ee dabayaaqada bisha March sannadka 2017.

Comments

comments