Somaliland: Markab Ah Kuwa Jiidda Xadhkaha Internet-ka Baddaha Hoostooda Mara Oo Kulaalaya Dekedda Berbera.

Date:

Wararka wargeyska Yool ka helaayo Magaaladda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, ayaa tibaaxaya inuu nawaaxiga Haabadda Marsada Dekedda Berbera uu ku laalayo mid kamid ah Maraakiibta jiidda Xadhka Internet-ka Baddaha hoostooda mara, kaasoo sida wararka qaar lagu sheegay u socday inuu dhigo mid kamid ah caraabadda Xadhkaha Internet-ka  xambaara, ee afka qalaad loo yaqaano Fiber Optics-ka‏ khooriga gacanka ku meersan Haabadda Dekedda Berbera ama nawaaxigeedda, waxana Wararku intaa ku dareen, in carabka Xadhiga Internet-ka ee Markabkani sido ay leeyihiin Laba Shirkadood oo ah kuwa Isgaadhsiinta, oo iyagu iska kaashadday Dhaqaalaha ku baxaaya Xadhigan, wallow iluhu ay ka qaabsadeen inay xuseen Magacyadda Shirkaddaha.

Hase-yeeshee, docda kale, waxa xoggaha qaar lagu sheegay in Carabka Xadhiga Internet-ka ee Markabkani jiidayo uu kasoo xambaaray Xeebaha Dalka Cumaan, halkaasoo sida xoguhu xuseen uu ka dhacay heshiiska Somaliland lagu keenay xadhigan.

Xadhiga Fiber Optics-ka‏ ama Intarnet-ka xambaara ee hadda la sheegay inuu soo gaadhay Markabkii siday nawaaxiga Dekedda Magaalada Berbera, ayaa haddii uu dhab noqdo, waxa uu noqonayaa xadhigii ama Fiber Optics-gii u horreyey ee Somaliland kasoo gala dhinaca badda, maadaama ay Somaliland kamid tahay dalalka Baddaha leh, oo iyagu aan u baahnayn in xadhig kan lamid ah looga soo talaalo Wadan kale.  Sidoo kale, waxa hore u jiray xadhig xambaarsan magaca xadhka han Internet-ka ee baddaha hoostooda mara, oo laga soo qaaday dalka aynu dariska dhow nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, isla markaana lasoo mariyey dhinaca dhulka ee xududa u dhaxaysaa labada dalka, kaasoo aakhirkii soo gaadhay magaaladda Hargeysa oo ah Caasimadda Somaliland.

Geesta kale, labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ayaa hore u ansixiyey Xeer muran badan dhaliyey, oo ku saabsan nidaamka Isgaadhsiineed ee uu dalkani yeelanayo,  Xeerkaas oo Madaxweynuhuna dhaqan-gelintiisa saxeexay.

Yool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...