Somaliland: Wafti Uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha KULMIYE Oo Dalka Kenya Kulan Kula Yeeshay Safiir Ku-xigeenka Safaarada Maraykanku Ku Leeyahay Dalkaas.

Wafti isugu jira Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE  ahna murashaxa Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayna xubno ka yihiin Wasiirada Madaxtooyada  Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka arrimaha debada Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulan la yeeshay safiir ku-xigeenka safaarada Maraykanku ku leeyahay Magaalada Nairobi, warka kulankaas waxaa bartiisa Faceboog- ga ku baahiyay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, qoralka kulankaas uu kaga hadlaayo ayaa u dhignaa sidan.

Kulan aanu Maanta La Yeelanay ku xigeenka Safiirka Dawladda Maraykanka ee Somaliland Iyo Soomaaliya.

“ Waftigayagii ka socday Xukuumadda Somaliland iyo Gudoomiyaha xisbul Xaakimka KULMIYE ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay ku xigeenka Safiirka Dawladda Maraykanka ee Somaliland Iyo oo ay Wehelinaysay haweenayda kaaliyaha labaad ee arrimaha Siyaasadda.

Saraakiishaasi Maraykanka ah waxaanu yeelanay kulan qiimo badan oo aanu kaga wada hadalnay arrimo doora oo ay ka mid yihiin Xoojinta xidhiidhka Dawladda Maraykanka iyo Jamhuuraiyadda Somaliland. geedi socodka Dumuquraadiyada. Arrimaha diiwaangalinta cod-bixiyeyaasha iyo guud ahaan Doorashooyinka Somaliland. wadahadaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah, dhamaan qodobadii aanu ka hada hadalnay waxaanu ka gaadhnay is afgrad buuxa iyo najiito wanaagsan.”

ALLAA MAHAD LEH
Guul Somaliland .

Comments

comments