Madax Waynaha Real Madrid Ee Florentino Perez Oo Laba Jeer La Kulmay Neymar Aabihii, Maxaase Perez Loo Sheegay?

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa si xoogan iskugu dayay in uu Barcelona ka soo afduubo xidiga ree Brazil ee Neymar da Silva Junior, wuxuuna laba jeer la kulmay Neymar aabihii. Jariirada Sport ayaa horaantii todobaadkan shaaca ka qaaday in Neymar uu Aabihii u sheegay in aanu dhagaysan dalab kasta oo isaga lagu doonayo kooxdii ay doonto ha noqtee laakiin intaa ka hor Perez ayaa laba jeer la kulmay Neymar aabihii si uu iskugu dayo in uu ku qanciyo in Neymar uu Real Madrid ku soo biiro.

Jariirada kale ee ree Spain ee El Confidencial ayaa sharaxaad ka bixisay qaabkii uu Florentino Perez iskugu dayay in uu Neymar kula soo wareego waxayna sheegtay in Perez uu bishii December 2015 kii uu Neymar aabihii kula kulmay Madrid halka kulanka labaad uu dhacay horaantii bishii January 2016.

Real Madrid ayaa markii uu Neymar joogay kooxda Santos waxay ka gudbisay dalab laakiin Barcelona ayaa noqotay kooxdii uu xidiga ree Brazil ugu danbayn doortay, wuxuuna intaa wixii ka danbeeyay uu markasta doonayay in uu Barcelona ka ciyaaro laakiin Perez ayaan iska dhiibin riyadiisa ahayd in uu arko Neymar oo xidhan maaliyada cad ee Los Blancos, wuxuuna awooda saarayay in uu Neymar aabihii ku qanciyo in uu wiilkiisu Madrid ku soo biiro.

Laakiin ugu danbayn Neymar ayaa aabihii u sheegay in aanu wax dalab ah dhagaysan kooxda uu doono ha ka yimaadee, taas oo loo fahmay in Neymar iyo Barcelona ay horumar ka sameeyeen wada xaajoodyada heshiish kordhinta Neymar.

Comments

comments