Somaliland: Xogo Tibaaxay Shirar Hoose Oo Muddoba U Socday Faysal Cali Waraabe Iyo Prof; Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ku Dhammaaday Burbur

Damacii Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar Ee Xisbiga UCID Oo Soo Dhammaaday + Laba Kaclayntii Eng; Faysal Cali Waraabe Iyo Natiijada Kulamadii Maraykan Illaa Yurub

Wada hadalo siyaasadeed oo ay dalka Maraykanka dhawaan ku yeesheen Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen Waraabe iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa la sheegay in uu burburay kadib markii labadan masuul isku af-garan waayeen codsi ka yimid Guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal oo Axmed Ismaaciil Samatar ka codsaday in uu qaato jagada Guddoomiye ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID doorashada soo socotana uu isaga Faysal ahaan dhiso oo uu la shaqeeyo arrinkaasi uu Prof Samatar diiday.
Warar xog-ogaal ah oo kulankaasi natiijadiisu burburka ku dhamaatay ka ag dhawaa oo wargeyska Foore helay ayaa tibaaxay in kulan Muddo badan uu ka soo shaqaynayay Guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe iska markaana daba socday kulamo hore oo labadan masuul dhex maray bilihii ugu dambeeyey ayaa natiijadiisu so oaf-meerantay kadib markii waji cusub Guddoomiyaha xisbiga UCID ku soo gunaanaday kulamo hore oo labadan nin u socday.
Wararka aannu arrinkan ka helaynaa waxa ay tibaaxayaan in Faysal Cali Waraabe iyo Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar kulamo hore iskula soo qaadeen arrin aanay go’aan wakhtigaasi ka gaadhin oo ahaa in Guddoomiyaha UCID, tartanka Golaha Dhexe ee xisbigaasi keeno Axmed Ismaaciil Samatar kulana shaqeeyo sidii uu Prof Samatar u noqon lahaa Musharraxa xisbigaasi balse kulankii ugu dambeeyey ee labadan nin dhex maray uu Faysal Cali Waraabe ajande cusub kula soo baxay oo u qaddimay Axmed Samatar kaasoo ah in Axmed Ismaaciil Samatar noqdo Guddoomiyaha xilka uga dambayn doona Faysal Cali Waraabe ee xisbiga UCID la wareega isna taa baddalkeeda uu Faysal Cali Waraabe kula shaqeeyo sidii uu mar saddexaad isugu soo taagi lahaa doorashooyinka Madaxtooyo ee la filayo in ay sannadka dambe ka qabsoomaan Somaliland, arrinkaasi oo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar si rasmi ah ugu gacan saydhay.
Kulankan labadan masuul ku kala boodeen ayaa ka dambeeyey kulamo googoos ah oo 7-dii bilood ee ugu dambeeyey ay dhawr jeer ku kulmeen balse ugu dambayn kulamadaasi ku soo dhammaanayaan natiijo la’aan.
Si Kastaba ha ahaatee xaaladda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa noqotay gacan uur ku jirta oo aan la ogayn halka masiirkiisa siyaasadeed ku dambayn doono iyada oo garabka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo ay ka war sugayaan dacwad rasmi ah oo ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha xisbigaasi oo ay ku eedaynayaan in uu ka hor yimid shuruucda xisbiga.
Halka Guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ay ku eedayanayaan in uu gacan saar hoose la leeyahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda taasi oo uu marar badan beeniyey kuna tilmaamay dacaayado aan sal lahayn.

Comments

comments