Qoraa caan ah oo somali ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ereyo xiqdi ka muuqdo ku aflagaadeeyey nabi Muxamed NNKH.
Qoraa Ibraahim Yuusuf Hawd oo ka tirsan ragga qoraal ahaan ugu wanaagsan somaalida laguna xanto inuu madaahib iyo afkaar calmaaniya aamisan yahay ayaa ku sifeeyey Nabi Muxamed SCW mid nijaas iyo shirkiga ku dhex jiray ka hor intii aanu risaalada xambaarin.
Qoraagan oo soo daliishanaya aayado qur’aan ah oo uu tafsiirkooda jacburiyey ayaa sheegay inaanu Nabi Muxamed tolkii waxba kaga duwanayn, marka la eego dhinac gaalnimada. qoraalkiisa ayaa u dhignaa sidan:
Waa maxay macnaha ”iimaan” fahanka diineed? Luqadda islaamnimada ee aynnu innaga iyo muslinka oo dhami ku dhaqanno erayga ”iimaan” macnihiisu waa rumaynta Alle iyo waxa uu isagu dadka amray. Falka diineed ee la samaynayaa, sida salaadda iyo soonku, iimaan ma aha ee waa falal cibaado oo hoos yimaadda iimaanka. Sow ma aha? Haddaba Rasuulkdeenna Maxamed, Sallallaacu caleyhi wasallam, Waxyiga ka hor sow mushrig ma ahayn?
Xadiisyo badan iyo in weyn oo ka mid ah Siirada Rasuulku waa beenabuur iyo sheekooyin beri dambe la falkiyay. Xadiisyadaa iyo siiradaa beenabuurka ah waxaa ka mid ah kuwa ina bara Maxamed in uu Waxyiga ka hor ahaa qof Alle doortay oo dhawrsan oo muslin ahaa. Laakiin dhab ahaan Rasuulkeenna intii aan Waxyigu ku soo dagin sow ma cadda in uu ahaa mushrig la mid ah mushrikiinta Carbeed ee tolkii ah? Miyuu yaqaannay kitaab iyo iimaan waxa ay yihiin? Aayadaha Quraanka ah ee ina baraya in uu mushrig ahaa, oo aanu kitaab iyo iimaan aqoon, aad ayay u badan yihiin. Labadan tusaale ee degdegga ah uun bal i la eeg.
Ilaahay isaga oo la hadlaya Maxamed oo Waxyiga ka hor Qureesh ka la mid ahaa mushrignimada, dharka nijaasta ah iyo sanam-caabudnimada, suuradda 74-aad ee Quraanka Kariimka ah, magaceeduna yahay ”Muddasir” shanteeda aayadood ee u gu horreeya wax uu isu daba dhigay xaqiiqadan:
يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ ﴿١﴾ قُمْ فَأَنذِرْ ﴿٢﴾ وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ ﴿٣﴾ وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ ﴿٤﴾ وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ ﴿٥﴾
”Waar qofkaagan duudduubanow kac (1) Kac oo dadka u dig (2) Kac oo Allahaaga weynee (3) Kac oo dharkaaga daahiri (4) Kac oo sanam-caabudnimada ka fogow (5)”.
Boqol siyood oo wada ujeeddaysan oo wada been ah ayay afmiishaariinta aan diinta runta ka sheegini aayadahaa u fasireen. Tobannaan aayadood oo si faseex ah inoo baraya Maxamed in hanuunkiisu la bilawday Quraanka ku soo dagay ayaa la beddelay oo macnayaal aanay qaadan karin loo rogay. Aayadda 52-aad ee suuradda Shuuraa wax ay caddaynaysaa:
وَكَذَلِكَ أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ رُوحًا مِّنْ أَمْرِنَا مَا كُنتَ تَدْرِي مَا الْكِتَابُ وَلَا الْإِيمَانُ وَلَـكِن جَعَلْنَاهُ نُورًا نَّهْدِي بِهِ مَن نَّشَاءُ مِنْ عِبَادِنَا وَإِنَّكَ لَتَهْدِي إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ ﴿٥٢﴾
”Sidaas baannu Quraanka awooddayada kuu gu waxyoonnay [Maxamedow], mana aad aqoon waxa uu kitaab yahay iyo waxa uu iimaan yahay, laakiin annaga ayaa Quraanka ka dhignay ilays aannu ku hagno cidda aannu doonno addoomahayaga, sidaas baanad u gu hanuunsan tahay tubta qumman”.
Aayaddan sidaa aad aragto u cad ayay afmiishaarradu ku macneeyaan in ay ka hadlayso tafaasiisha hoose ee diinta, sida cibaadaadka, ee aanay ka hadlayn rumaynta Alle iyo Quraankiisa. Laakiin qof garaad fayowi miyuu aayaddaa macnaheedu mugdi ka ga jiraa? Maya.
Culimada islaamka iyo kuwa somaalida ayaa looga baahan yahay inay dadka fahansiiyaan tafsiirka aayadahn uu Ibraahin Hawd oodaha jiidhsiiyey.