Gudaha Ka Akhri Mucjiso Lagu Arkay Guri Ku Dhegsan Mid Ka Mid Ah Birahaasi, Ilmo Sanka Iyo Afka Dhiig Ka Keenay, Hooyo Laba Ilmood Kaga Qubteen Iyo Qof Kansar Dilay
Afar Birood Oo Aanteenooyinka telefoonada ah oo kuyaala Xaafadda Jig-Jigga Yare ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaaladda Hargeysa ayaa laga soo wariyay Dhacdooyin Xanuun badan oo isku jira Dhimasho Iyo Xannuuno Aan daawo lahayn oo ay ugaysteen Dadka Shacabka ah ee jaarka la ah,waxaanay Birihaasi ku yaaleen Halkaasi mudo lagu qiyaasay Illaa Tobankii sannood ee u dambeeyay,iyadoo guryaha ay dhinaca kuhayaan looga qaxay kadib markii ay dad badan ku geeriyoodeen,Qaar kalena ay Ka Qaadeen Xanuuno Aan Daawo Lahayn.
Hooyo Dhawr Carruur ah haysata oo deganayd Guri ku dhegsan mid ka mid ah Birahaasi Anteenoyinkanka ah ayaa wargeyska Foore uga Warantay Dhacdo Xanuun badan oo la soo daristay intii ay deganayd Gurigaasi,waxa ay sheegtay inay Iskaga Guurtay Gurigaasi kadib markii ilmo Dhawr bilood jiray uu kaga dhintay. Waxa ay Foore u sheegtay in Ilmahaasi uu dhiig afka iyo Sanka ka keenay, islarmarkaana ay u malaynayso inuu u dhintay Waxyeelada Birtaasi ku haysay oo aad u badnaa,Waxa ay sheegtay in intii ay Gurigaasi ku jireen ay waxyaabo badan oo Dhinaca caafimaadka ahi la soo darseen,iyadoo sheegtay in Carruurta iyo iyaduba ay ka bixi waayeen Xanuun joogto ah sida Madax Xannuun,Yalaalugo,Hurdo La’aan iyo Guux faro badan oo wakhtiga Habeenkii ah,waxa ay intaasi ku dartay in ugu dambayn ay Gurigaasi sidaasi kaga soo guureen islamarkaana ay imika nafis dareemeen.
Hooyadan ayaa intaa ku dartay in Gurigaasi dadkii uga sii horeeyay ee deganaa ay sidan oo kale dhibaatooyin uga sheegteen,waxa ay sheegtay in qoyskii degaan iyaga hortooda ay Hooyaddii qoyskaasi u sheegtay in Laba ilmood kaga soo dhaceen oo ay ka qubteen,waxa kale oo ay sheegtay in Qoys kale oo isna gurigaasi soo maray uu qof ka mid ahaa Alle ha unaxariistee uu ku dhacay Cudurka Kansarka ee aan daawada lahaynin, islmarkaana qofkaasi uu sidaasi ku geeriyooday,waxaanay Hooyadani Wargeyska Foore u sheegtay in dhibaatooyin badan oo kale oo kuwaasi gurigaasi lagu arkay ka mid ah lagu wada sheegayo Guud ahaan Xaafadaha ka agdhaw Birihaasi,siiba waxa ay sheegtay in Xafadaasi uu aad ugu badan yahay Cudurka Kansarka,Faaliga iyo ilmo aan dhamays ahayn oo dumarka ka qubta,iyadoo sheegtay in Dadkii Xaafadaasi deganaa ee Guryahaasi inta badan lahaa ay iskaga haajireen islamarkaana ay Guryahaa birahaasi kuyaalaa ay intooda badan wada kiro yihiin.
Guud ahaan Dadka shacabka ah ee degan Xafadahaasi ayaa si weyn uga cabanaya Birihaasi iyagoo sheegay in Dacwado badan oo ay Xukuumadda u gudbiyeen Waxba laga qaban waayay oo aanay Wax Jawaab ahi kaga soo noqon.
Foore