Somaliland: Xukuumadda Siilaanyo Oo Xiddida U Siibtay Waxyaabihii Loogu Eexaysan Lahaa In La Aqoonsado Somaliland

Somaliland waxa uu caalamku kusoo ma-jiiran-jiray laba arrimood oo kala ahaa nabadda iyo dimuqraadiyada ka hirgashay. Iyagoo taas ka duulaya ayaa shakhsiyaad iyo dawladdo badan oo dunidda laga tixgaliyaa u doodi jireen aqoonsiga Somaliland. Waliba markay noqoto xaga indhaha caalamka nabada iyo dimuqraadiyada waxa labada inoo soo jiidasho badnaa dimuqraadiyadii ka hano-qaaday dalka (Kuuriyada waqooyiba nabadi gudaheeda way ka jirtaa).

Waxaynu dal ahaan dunidda ku yeelanay saaxiibo badan oo iskugu jira siyaasiyiin, xildhibaano, diblomaasiyiin, professoro, suxufiyiin, hay’ado u ololeeya xoriyaadka iyo xuquuqal iinsaanka, maalqabeeno, cilmi-baadhayaal   iyo arday jaamacadeed iyo xataa waliba qaar ka mid ah jilayaasha aflaamta.

Marka dawlad la qiimaynayo inay dimuqraadiyadi ka jirto iyo in kale waxa laga eegaa siday ula dhaqanto saxaafadda dalkeeda. Wadanka aanay xoriyad saxaafadeed ka jirin dimuqraadiyad ma sheegan karo xataa hadii doorashooyin ka dhacaan. Sababta xiligii Cigaal iyadoon doorasho wali ka dhicin Somaliland hadana loogu tilmaami jiray  inay tahay dal dimuqraadi ah waxa ugu wacnaa saxaafadda xorta ah ee ka jirtay, taas oo xaga madaxbanaanida in badan kaga sad-roonayd warbaahinta ka jirta dawladaha mandaqada aynu ku naalno. Hadaba aragtidaa fiicnayd ee uu  caalamku ka qabay Somaliland si wayn ayey isku badashay. Maanta Somaliland waxa loo arkaa meel xukuumadda ka talisaa awood u leedahay intay shuruucda dalka u yaala baalmarto suxufiga wax ka sheegana ay xabsiga u taxaabto, jidh-disho, qafaalato… Meel hadiiba xataa suxufiga maxkamad la horgeeyo lagu xukumo sharciga Ciqaabta (criminal law) iyadoo uu dalku leeyahay xeer saxaafadeed dhaqan-gal ah oo ay ku qayaxan tahay  in dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta loo adeegsado xeerka Madaniga ah (Civil law)… Meel hay’adda warbaahineed ee dabagal ku samaysa musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida ummada ee ay xukuumadu ku dhaqanto ay ku mutaysanayso  in albaabada loo laabo.

Labadii bilood ee u danbeeyey oo qudha waxay hay’adaha caalamka ee u dooda arimaha xuquuqal iinsaanka iyo xoriyatul-qawlku si is-daba joog ah usoo saarayeen warsaxafadeedyo ay ku canbaaraynayaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda madaniga ah oo loo gaystay muwaadiniin reer Somaliland ah, hay’ado warbaahineed iyo suxufiyiin dalka u dhashay. Maantana ninkii madaxwaynaha ka ahaa dalka iyo afadii uu qabay ayaa waxay u soo dhigteen afartii wargeys ee u danbeeyey (Ogaal, Hubsad, Xogogaal iyo Waaheen) sidii ay u xidhi lahaayeen iyaga iyo masuuliyiintoodaba. Bal hadaba aynu is-waydiinee yaa aqoonsanaya Somaliland kol hadii ay iyadiiba burburisay wixii loogu eexaysanayey in lagu ictiraafo?. Dhacdooyinkaas aynu kor kusoo xusnay waxay cadaynayaan in hagar-daamada iyo dib u dhaca wayn ee ay xukuumadda Kulmiye u gaysatay rajadii aynu ka qabnay Ictiraafka.

Shalay-bay ahayd markay xukuumadda Kulmiye xidhay Haatuf  ee ay kibirka iyo gardarada ku baabiisay shaqooyinkii ay 24 muwaadin iyo qoysaskoodu quutal-daruuriga ka heli jireen, maanta-na aqoonsi ay keento daayoo waxaabay ku talo-jirtaa inay camal la’aan baddo ku dhawaad 50 kale oo ka mid ah dhalinyarada ka hawlgasha afarta wargeys ee aynu kor ku xusnay.

Xigasho:Haatuf

Comments

comments