Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Oo Shacbiga Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Marxuum Maxamuud Caydiid Lafcanbe.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka maxay Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada maanta oo taariikhdu tahay 23/03/2016, kadib xannuun uu in dhawaydba u jiifay.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dalka iyo dadkaba kana mid ahaa dadka muxtarimka ah ee caanka ka ah guud ahaan Somaliland, qayb weyna ku lahaa halgankii iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland, waxanu marxuumku wakhtigan xubin ka ahaa xildhibaannada Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, isoo ahaa xubnaha ugu firfircoon ee taban-tabada iyo taabo gelinta, fadhigooduna ahaa waqooyiga amareerika ee xisbiga Kulmiye.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, aqoonyahanka, waayeelka, waxgaradka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Tacsida Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray eheladii, qarabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay alle haw naxariiste Marxuum Maxamuud Caydiid Lafcanbe oo ku geeriyooday dalka Canada. Sidaana waxaa lagu sheegay War-saxafadeed u dhignaa sidan.

Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada maanta oo taariikhdu tahay 23/03/2016, kadib xannuun haleelay.
Marxuum Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ka mid ahaa aqoonyahankii iyo odayaashii caanka ahaa reer Hargeysa ee doorka waxtarka wanaagsan ka soo qaybqaatay, waxa uu hadda xubin ka ahaa xildhibaannada Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...