War deg deg ah oo hada na soo gaadhaya ayaa waxaa uu sheegayaa in xukuumada Somaliland iyo dadka degan Banka Qool-Cadey ay hishiis ka gadheen murankii ka taagnaa bankaasi ka dib shir saddex geesood ahaa maanta halkaasi ka furmay
Qodobada ka soo baxay shirkaasi saddex geesoodka ah ee u dhaxeeye Xukuumada , bulshada degan banka Qool-Cadey iyo madax dhaqameed ayaa waxaa ay yahiin
– in ceelasha biyaha iyo baliyada la qodo dadkuna u baahan yahay.
– in wixii kale ee mashruuca la socda ee xidhida banku ka mid yahay laga wada hadlo oo ilaa lagu heshiiyo aan la fulin.
si kastaba ha ahaate qodobadan ayaa hadii ay hir galaan waxaa ay noqon doonan qaar xal u noqon doona murankii ka taagna bankaasi .