Wararka Aanu Ka Helayno Dhankaas Iyo Degmada Dhoqoshey Ayaa Sheegaya In Gacanta Lagu Soo Dhigay Ninkii Gacan Ku Dhiiglaha Ahaa Ee Dilay Ilmo Yar Oo Maalintii Shala Lagu Dilay Meel U Dhaxaysa Deegaanada Taalo Buur Iyo Balidhiig
Waxaana Gacanta Ku Soo Dhigay Gacan Ku Dhiiglaha Ciidamada Boliceka Labada Degmo Ee Dhoqoshey Iyo Balidhiig Kuwaas Oo Si Weyn Isaga Xil Saaray Sidii Gacanta Loogu Soo Dhigi Laha Ninkan Dilay Ilmahan Yar
Ilmahan Yar Ayaa Waxaa Lagu Magacaabi Jiray Maxamed Carab Buraale Waxanay Dadiisu Ahayd 11 Jir Markii Masiibadu Ku Habsatay Ilamahn Yar Waxa Uu Dhex Joogay Maqal
Taliyaha Qaybta Boliceka Ee Degmada Dhoqoshey Taliya Cali Axme (Cali Maleeye)Oo Ayaa Warbaahinta U Xaqiijiyay In Gacanta Lagu Soo Dhigay Gacan Ku Dhiiglihi Cunay Ilmaha Yar Waxaana Lagu Soo Qabtay Magaalada Dhagax Dheer Oo Ka Tirsan Degmada Belidhiig
Sida Uu Noo Xaqiijiyay Taliyuhu Ninkan Ayaa Waxaa Ciidanka U Soo Dhiibay,Qoyska Uu Ka Soo Jeedo Gacan Ku Dhiigluhu Kuwaas Oo Gacanta U Soo Geliyay Ciidamada Amaanka Ee Degmada Dhoqoshey,Waxaanu Hada Lagu Haya Ninkan Jeelka Magaalada Dhoqoshey Waxaana Loo Soo Dhaadhicin Doona Dhankaas Iyo Gobolka Togdheer
Dilkan Ayaa Lagu Sababeeyay Ninka Wax Dilay Oo Ahaa Nin Xanuunsanaaya Isla Markaana La,Nool Xanuunka Dhibirka Kaas Oo Kusoo Baxay Ilmahan Yar Isla Markaana Mariyay Toori Isagoona Halkaas Ku Gawracay.