Somaliland: Qaar Ka Mid Taliyeyaashii Guutooyinka Gobolka Sanaag Ee Ciidammada Millatariga Somaliland Oo U Goosteen Puntland.

Date:

Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo Xayle Xaaji Diraac, oo ahaa taliyeyaashii guutooyinka 93aad iyo 116aad ee gobolka Sanaag ee ciidanka Millatariga Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa in ay u goosteen dhinaca Puntland.

Taliyeyaashan goostay ayaa ku andacoonaya in Somaliland ay ku amartay, inay dagaal ku qaadaan degmada Badhan balse ay diideen.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay Sawirro ay ka muuqdaan taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag Cabdillaahi Cumar Cashuur oo ay weheliyaan Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo Xayle Xaaji Diraac.

Maalmihii u dambeeyay waxa Badhan joogay Wasiirro ka socday Maamul-gobolleedka Puntland, kuwaasi oo uu Shalay ku soo biiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, kaasi oo qayb ka ahaa hawlaha siyaasadeed ee Puntland ay deegaankaasi ka hayso.

Badhan, waxa dhanka Somaliland ka joogay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, kaasi oo halkaa gaadhay Maalin ka dib Xuskii 18-ka May.

Ma Jirto, Cid ka mid ah Masuuliyiinta Dawladda Somaliland oo arrimaha ka socda Badhan ka hadashay, iyadoo Dadka siyaasadda faalleeya qaarkood sheegayaan in Puntland ay Siyaasad ahaan Badhan kaga Adkaatay Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...