Somaliland: Fadeexad : Xukuumadda Oo Ganacsato Ka Xaraashtay Qaybo Ka Mida Barxadii Beerta Xorriyadda Berbera Ee Khudbadaha Laga Jeedin Jiray Iyo Xaruntii Keydka Biyaha Ee Dawladdii Siyaad Barre Dhistay

Date:

“Maayarka Degmada Berbera Oo Lagu Eedanayo Inuu Isagu Dhulkaasi Gacantiisa Ku Iibiyay, Kuna Wareejiyay Ganacsato Kala Duwan Isagoo Matalaya Xukuumadda JSL

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Ganacsato Reer Somaliland ah ka xaraashtay Qayb ka mid ah Barxadii Khayriyadda Magaalada Berbera ee Beerta Xorriyadda iyo Keydkii Biyaha Berbera, waxaana Arintaasi si weyn uga guuxay, islamarkaana Dhogor Madaw ka bixiyay Guud ahaa Shacabka ku dhaqan Caasimadda Gobolka Saaxil ee Berbera oo aad ugu foogan dhiiranaanta Xukuumadda iyo Xaraashka Halbawlihii Gobolkaasi taasi oo kacdoon Shacbi keeni karta.
Warar xaqiiqo ah oo naga soo gaadhay Caasimada Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa daaha ka rogay fadeexad culus oo Gobolkaasi ka taagan kadib markii uu Duqa Berbera ama Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo ka shidaal qaadanaya Madaxtooyaddda Somaliland uu si cad Todobaadkii u dambeeyay uga Xaraashay Ganacsato reer Somaliland ah Qayb ka mid ah Barxadii Khudbadaha laga jeedin jiray Berbera ee Khayriyadda, iyo soo Kale Gabi ahaanba Xaruntii Keyd Biyaha Berbera ee ku yaalay badhtamaha Suuqa,Gaar ahaan Jidka Bariga ee Degmada Sheekh u baxa,waxaanay arintaasi Berbera ka abuurtay Buuq iyo wax iska waydiin badan, iyadoo Xukuumadda Lagu eedaynayo inay Muddada u hadhsan Wakhtigii la doortay ay doonayso inay inta baddan Dhulka danta guud ah ee Magalooyinka Waa weyn kuyaala ay sii wada Xaraashto,iyadoo horena Qaylo dhaan shacbi laga bixiyay Dhawr goobood oo halbawle ah oo Dhulka Danta Guud ee Hargeysa ka tirsan,Sida Women’s Club-kii Iyo Dugsiga Sheekh Bashiir.
Illo-Wareedyo Wargeyska Foore ka helay Fadeexadan ayaa intaa ku daray in Ganacsadaha laga iibiyay Keydka Berbera uu ka soo jeedo Deegaanka Gobolka Saaxil islamarkaana uu yahay Ganacsade Deegaankaaasi caan ka ah oo si weyn dadka deegaankaasi uwada yaqaanaan,halka Ganacsadaha kale ee laga xaraashay Qaybta ka mid ka ah Beerta Xorriyadda Berbera ama Barxada Khudbadaha laga jeediyo uu ka soo jeedo Bariga Caasimadda Gobolka Togdheer ee Burco. Ganacsadahan dambe sidoo kale waxa uu ka mid yahay Tujaarta ugu waa weyn Somaliland waxaanu Ganacsigiisu ka shaqeeyaa Gudaha Dalka Somaliland iyo Dibadaba.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa labadii sano ee dambeeyay galka seefta uga saartay iibinta Dhulka Danta guud, waxaanay Shacabka Somaliland Gudo iyo Dibadba si weyn wax iskaga waydiinayaan Waxa iska badelay Hogaamintii Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigii uu Daahir Riyaale Mucaaridka ku ahaa ku dhaliili jiray Xaraashka Dhulka Danta guud ah iyadoo aad loogu xasuusto wakhtigii uu Mucaaridka ahaa inuu Siilaanyo Taageerayaashiisa farta ugu fiiqi jiray Xaafada Hindiyo Line oo Dhismayaal Dawladeed ahaa oo Xukuumaddii UDUB Wada iibisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...