Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu xukuumada Somaliland ku eedeyey in ay si hoose u bilaaben wada hadaladii labada dal ee Somaliland iyo Somaliya taas oo ay ku micneeyen mid Somaliland u hor seedi karta cawaaqib xumo
Waxaana sidaasi warbaahinta u sheegay afhayeenka xisbigaasi xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba waxana uu sidoo kale xildhibaan Buubaa uu eedo kulul u soo jeediyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka isaga oo ku dhaliilay dacwadii ay dhibanaha ka ahayeen ururka suxufiyinta ee SOLJa oo uu sheegay in uu hor istaagay isagoona bananka soo dhigay in xeer ilaaliyaha golaha wakiilada looga yeedhi doono waxna laga weydin doono sababta uu sidaasi u sameyey