Somaliland: Muxuu Daaranaa Ka Maqnaashaha Muuse Biixi Ee Aaskii Marxuum Cabdi Aw Daahir?

Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa jagada Madaxwenaha ugu tartamaaya Xisbigaas, ayaa ka muquurtay ka qayb-gelista janaasadda Wasiirkii hore ee Wasaarada arrimaha Bulshada Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir, oo xurguf siyaasadeed dhex martay, isla markaana khamiistii shalay lagu aasay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Warar Wargeyska Yool u ka helay ilo ku dhow-dhow Xisbiga Kulmiye ee uu Gudoomiyaha iyo Musharraxa-ba u yahay  Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in saraakil iyo kaadariin Xisbiga Kulmiye ka Tirsani Gudoomiyaha kula taliyeen inuu ka qaybgalo Aaska Marxuumka, hase-yeeshee dalabka Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ku gacan saydhay.

Inkastoo Gudoomiye Muuse Biixi uu geerida Marxuum Cabdi Aw Daahir ka tacsiyadeeyey shacabka Somaliland iyo qoyskii uu ka baxay intaba, balse haddana ka maqnaashaha aaska ee Muuse Biixi, waa mid si dhib yar u abuuri karaysa dareen iskugu jira calool xummo iyo uurku taalo, sababtoo ah marka Gudoomiye Muuse Biixi laga waayo aaska Marxuum Dr. Cabdi aw Daahir Cali, waxa durbadiiba maskaxda bulshada kusoo dhacaya xasuusta khaalifkii Marxuumku u seegay Xilkiisi Wasiirnimo, iyo sidoo kale, qoraalkii xanafta lahaa ee todobaad ka hor Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ku shaaciyey inuu ka qaaday xubinimadii Xisbiga Kulmiye shan xubnood oo uu marxuumku kamid ahaa.

Haddaba, hadday jirto iyo haddii kaleba, ka maqnaansha Muuse Biixi ee aaska Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali, waa qodob aan lahayn meel laga dhaafo, oo hadda wixii ka danbeeya mar walba su’aashiisu hor taalo Muj. Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale, waxa arrintani marag fur u noqoneysaa dadka Gudoomiye Muuse Biixi ku dhaliila inuu yahay Askari ad-adag oo aan waxba cafiyin, isla markaana aad si dhib yar wajigiisa uga daalacan kartid fikirka uu ka aaminsan yahay, waqti xaadirka marka aad la joogto

Comments

comments