Dawladda dalka Jarmalka ayaa faahfaahin ka bixisay sababahii keenay inay baaqato socdaal hawleed Wasiirka Iskaashiga Dhaqaalaha & Horumarintu Dr. Gerd Müller ku iman lahaa Somaliland horaantii bishan.
Booqashada Wasiirka Jarmalka Dr. Muller oo hore xogtiisa looga qariyey warbaahinta ayaa markii ay baaqatay oo warbaahinta gudaha qaarkood wax ka qoreen, ku eedeeyeen inay sababteeda lahayd xukuumadda Somaliland oo u diyaargaroobi weyday, inkastoo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo wax laga weydiiyey beeniyey in xukuumadu dayacday, isla markaana cadeeyey inaanu jirin wax xidhiidh ah oo lagala soo sameeyey isaga iyo wasaaradiisa booqashada weftiga Jarmalka, laakiin si weyn u soo dhoweynayaan booqasho madaxda Jarmalka ama kuwa caalamku ku yimaadaan Somaliland.
Xidhiidh uu wargeyska DAWAN la sameeyay wasaarada Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta dalka Jarmalka inuu wax ka weydiiyo sababaha keenay inuu baaqdo booqashadii Wasiir Dr. Muller ee Somaliland, ama dhaliil ku leedahay xukuumada Somaliland iyo inuu jiro qorshe mustaqbalka ku iman doono Wasiirka Iskaashiga Dhaqaalaha Jarmalku dalka Somaliland.
Katharina Mänz, gabadhA afhayeen u ah wasaarada Iskaashiga Dhaqaalaha Jarmalka oo jawaab ka soo bixisay su’aalaha wargeyska Dawan weydiiyey ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin eed xukuumada Somaliland ku lahayd baaqashada booqasho Wasiirka Iskaashiga Dhaqaalaha Dr. Muller ku iman lahaa Hargeysa, waxaanay tidhi “Booqashadii Wasiirka ee Somaliland waxa loo baajiyey cidhiidhi ku yimi jadwalkiisii, mana jirto eed xukuumadda Somaliland ku leedahay baaqashadeeda.”
Mar la weydiiyey inuu jiro qorshe mustaqbalka booqasho uu ku imanayo Dr. Muller Somaliland, ayey ka gaabsatay, waxaanay ku koobtay hadalkeeda “Booqashooyinka Wasiirka ee wadamadda caalamka waxaan shaacinaa markuu soo dhowaado wakhtigeedu.”
Hadalka xukuumada Jarmalka ayaa meesha ka saaray eedo hore loogu jeediyey in xukuumadda Somaliland dayacday booqasho Wasiirka Iskaashiga Dhaqaalaha.