Ciidamada Imaaratiga & Sacuudiga oo loo diyaarinayo dagaalka Siiriya

Date:

Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka Ash Carter ayaa Jimcihii shalay magaalada Brussels ee dalka Belguim kula kulmay Wasiirada Difaaca ee dalalka NATO iyo xulafadooda Carabta oo diyaarinaya ciidamo loo diro wadanka Siiriya.

Mr.Carter oo kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee dalka Imaaraatiga Mohammed Al Bowardi ayaa sheegay in wadamada Sacuudiga iyo Imaaraatiga ay xiligan diyaar u yihiin inay keenaan cutubyo ciidamada Komaandooska oo gacan siin doona kooxaha mucaaridka Siiriya sidii ay ulla dagaalami lahaayeen kooxda Daacish oo weli gacanta ku heysa dhul baaxadleh ee dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Qorshaha Carter ayaa ah sida uu sheegay in xoogaga Carabta ay gacan ku siiyaan jabhadaha Siiriya sidii ay ulla wareegi lahaayeen magaalada Raqqah oo xarunta Daacish ee Siiriya.

Dalka Imaaraatiga ayaa sidoo kale u balan qaaday Maraykanka inuu kaalin dheeraad ah ka geysan doono dhanka duqeynta cirka ee lagu wado kooxda Daacish. Sidaa si lamid ah dowlada Sacuudiga ayaa balanqaad kan lamid ah Khamiistii u dirtay xulafadooda Maraykanka.

Dowlada Imaaraatiga ayaa sidoo kale la sheegay inay dalka Soomaaliya ka qaadaneyso ciidamo magacooda ku dagaalama kuwaasi oo qaarkood la sheegayo inay hada tababaradooda u socdaan, horey ayey u jireen xog soo baxeysa oo sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay Imaaraatiga ka qaadatay Soomaaliya ay ka dagaalamaya koonfurta wadanka Yemen.

Dowlada Imaaraatiga ayaa hada dhanka militariga ka taageerta Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo waliba Dowlada Puntland.

Dhinaca kale dalka Turkiga oo isaguna xubin ka ah Isbaheysiga NATO ayaa dhankiisa walaac weyn ka muujinaya duulaanka ciidamada Bashaar Al Assad iyo Ruushka ku qaadeen magalada Aleppo (Xalab) oo ay ku sugan yihiin kooxaha mucaaridka qunyar socodka ah ee Sunnida kuwaasi oo ay dowlada Turkiga taageerto. Taasi ayaa waxaa usii dheer in xoogaga Kurdida Siiriya ay dhul balaaran oo saaran xaduuda Turkiga iyo Siiriya gacanta ku dhigeen, arrintan oo laga yaabo inay keento in Turkiga uu isaguna lugaha lasoo galo dagaalka shantii sano ee lasoo dhaafay ka socda dalka ay jaarka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...