Somaliland: Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa si adag u diiday, isla markaana mowqif isku mid ah iska taagay faro-gelin ay ku yeeshaan arrimaha ka socda dalka Soomaaliya, isla markaana sheegay inaanu khusayn.

Date:

Salaadiin ka soo jeeda beelaha Somaliland qaarkood  xalay wax ka weydiiyey siday u arkaan go’aamo madasha wada-tashiga Soomaaliya dhowaan ku sheegeen in xubnaha u metalaya Somaliland baarlamaanka soo socda ay soo xuli doonaan madax-dhaqameedkii ku jiray liiska 135 odey dhaqameedka ayaa sheegay in magacyada lagu sheegay liiska yihiin rag markii horeba laga qortay Soomaaliya oo wax saamayn ah aan ku lahayn Somaliland.

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur, oo ka tirsan salaadiinta Somaliland oo wargeyska Dawan wax ka weydiiyey fikirkiisa ayaa ku jawaabay “Beesha Maxamed Sheekh Isaxaaq (Cibraan) diyaar uma aha, shaqana kuma yeelan doonto siyaasadaha Soomaaliya, maadama Somaliland kala madax-banaan yihiin, beelaha kale Muuse Sheekh Isaxaaqna ma jirto cid u diyaar ah. Beelaha Habarjeclo waxay la mowqif yihiin go’aamada xukuumadda iyo shacabka Somaliland ka taagan yihiin.”

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, oo la weydiiyay  siduu u arko go’aan Soomaaliya ku sheegtay in suldaano uu ka mid yahay soo xulli doonaan xildhibaanada metalaya Somaliland, waxaanu yidhi  “Adeer anigu horena uguma jirin arrimaha Soomaaliya,  cid aan xamar hore ugu qoray ma jirto, xilligana, diyaar uma ihi inaan baal maro go’aanka shacabkayga Somaliland dib ugula soo noqdeen madax-banaanidooda.”

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka tirsan salaadiinta beelaha Samaroon, oo wax laga weydiiyey siduu u arko salaadiinta beesha Samaroon ee la sheegay inay soo xulayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee doorashooyinka soo socda, iyo sida ay u arkaan ayaa ku jawaabay “Runtii Magacyadaasi waa rag markii horeba halkaa Soomaaliya laga samaystay oo iska joogay, dadkana iska qor-qorta, wax saamayn ay ku leeyahiin Somaliland ma jirto, magacyadaana wax kaga jira madaxdhaqameedkayaga ma jiraan, dhammaan madaxdhaqameedkii gobollada Awdal iyo Selal waxay joogaan Somaliland, shaqana kuma laha, wax halkan Soomaaliya ka tegayaana ma jiraan.”

Dhinaca kale, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xuseen Suldaan Xaaji Cabdillahi  oo aanu  weydiinay arragtidooda. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo la weydiiyey siduu u arko ayaa yidhi “In tallo guud laga yeesho way fiican tahay, laakiin, xilligan sida xukuumadu wax u wado ma wanaagsana, tallo ayaan ka yeelan doonaa anniga iyo Suldaan Xuseen Suldaan Xaaji Cabdillahi.”

Mar la weydiiyey, maadama xukuumadu digniin ka bixisay tagitaanka iyo dhex-galka madaxdhaqameedka Somaliland arrimaha Soomaaliya ayuu ku celiyey, “Xukuumadu hadaan doono annaga nama horistaagi karto.” Xubnaha salaadiinta Beelaha Dhulbahante iyo Warsangali kaga jira liiskan oo aan isku deynay inaan wax ka weydiino ayaanay noo suurtoobin, ka dib markii telefoonadoodii aanu weynay.

Dhinaca kale, xukuumadda ayaa ugu baaqday guud ahaan bulshada inay ka feejignaadaan shirqoolada Soomaaliya, oo lagu waxyeelaynayo qaranimadda Somaliland, isla markaana digniin ugu jeedisay in qof kasta oo qeyb ka noqda lagu qaadi doono dembiga khiyaano qaran.

War saxaafadeed wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mr. Cali Maxamed Warancade, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya shalay soo saaray ayaa u dhignaa sidan: “Shirqoolka ka Socda Xamar ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo Qaranimada Somaliland waa mid Ummada Somaliland ay ka digtoon yihiin.

Waxaana wax lala yaabo ah in Maamulka Muqdisho ku hadaaqo in Somaliland ka mid tahay doorasho ku sheegta  Somaliya loo qabanayo 2016 arrimahaas oo ah mid caal waa ah. Haddaba waxaa looga digayaa dhamaanba Madax-Dhaqameedka Somaliland in aan lagu khaldin ama aanay ku dhicin dabinnada ay maleegayaan Maamulka taagta daran ee muqdisho.

Waxa lagu war galinayaa cidii ka qayb qaadata shirqoolada laga maleegayo xamar inay la kulmi doonaan ciqaab adag iyadoo lagu qaadayo khiyaamo Qaran. Qarankan Somaliland waa Qaran gaamuray oo aan cidina hungurayn karin kuna guulaystay inuu xaqiijiyo Midnimadiisa iyo Horumarkiisa.”

Liiska madax-dhaqameedka Somaliland ee xukuumadda Soomaaliya shaacisay inay soo xuli doonaan xildhibaanada u metalaya baarlamaanka soo socda Somaliland oo la diyaariyey sannadkii 2012 ayaa magacyada ku qoran iyo beelaha ay kala metelaan yihiin:

Salaadiinta beesha Samaroon

Suldaan Cabdillaahi Kibaar Faarax ,Nabadoon Abiib Maxamed Maxamuud ,Suldaan Mohamed Aadan Ashkir ,Suldaan Diiriye Geelle Cali

Salaadiinta Beesha Ciise

Caaqil Idriis Jaamac Ciiltire, Caaqil Maxamuud Jaamac Boqorre (wakiil), Caaqil Maxamuud Ibraahin Sahal, Feysal Boodhle Caddaawe (wakiil)

Salaadiinta Beesha Ciidagale

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Boqor Raabi Jiilaal.

Salaadiinta Beesha Habar Yoonis

Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Xamid Adan Mataan

Salaadiinta beesha Arab

Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cabdillahi, Suldaan Xuseen Cabdi Cabdillahi

Salaadiinta beesha Habar-Awal

Suldaan Xasan Ibraahin Ismaaciil, Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh (Ciise Muuse), Cabdiraxman Aadan Cali Aadan

Salaadiinta Beesha habar-Jeclo

Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow,  Siciid Diiriye – wakiil (Suldan Mustafe Maxamed), Faarax Maxamuud Maxamed – wakiil (Suldaan Cali Xirsi Axmed)

Salaadiinta beesha Dhulbahante

Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Ugaas C.llaahi Ciise Nuur, Garaad C.llaahi Soofe Duraan (AHN).

Salaadiinta Beesha Warsangali

Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalan Suldaan Cali, Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...