Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa waxaa uu ka hadley moqifka xukuumada Somaliland ee ku waajahan qodobo shalay ka soo baxay shirkii wadatashiga ee dalka Somaliya.
Waxaa uu sheegay wasiir Cadaani in shirkaasi shalay lagu soo gabo gabeeyey magaalada moqdisho lagu faro galiyey jiritanka iyo qaran nimada Somaliland sidoo kalana aanay Somaliland ka mid aheyn dalka somaliya muddo rubuc qarni ku dhaw
Dhinaca kale wasiir Cadaani ayaa waxaa uu digniin u diray cid kasta oo magaca Somaliland ku matesha kuna dhex fadhiisata shirarka Dalka Somaliya