Somaliland: Ma dhabaa inay Isbahaysiga kulmiye Gudoomiye Muuse Biixi dacwad uga gudbinayaan Maxkamadda, iyo Khilaafka soo kala dhexgalay Isbahaysiga Iyo Masuuliyiinta UCID

Date:

Garabkii dhawaan qaadacay doorashadii ka dhex dhacday xisbiga KULMIYE lana magac baxay garabka dimuqraadiyad doonka xisbiga KULMIYE ayaa waxa la filayaa inay dhawaan dacwad ka dhan ah gudoomiye Muuse Biixi u gudbiyaan  maxkamada magaalada hargeysa.

Waxaana dacwadan ay garabku u gudbinayaan maxkamada  wada sida la sheegay gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga KULMIYE xildhibaan Waabeeyo iyo gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mudane Talyanle oo dhawaan warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga KULMIYE lagu sheegay inu xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga saaray labadaa masuul.

Waxaana dacwadani  ay daaran tahay sida la sheegay cabasho ka dhan ah gudoomiye Muuse Bixii oo ay garabku ku eedeeyeen inuu ku tuntay isla markaana baal maray xeerkii uu xisbiga KULMIYE lahaa, iyo waliba awood sheegasho ,iyaga oo sidoo kalena dacwadan ku lifaaqay inay gudoomiye ku xigeenka labaad iyo saddexaad-ba lagu doortay shirwayne hadana xilalkooda lagag qaadi karo shirwayne balse aanu awood buuxda u lahayn Muuse Biixi Cabdi inuu xilka ka qaado labadaa masuul.

Waxaana ay wararka ay helayso shabakada Ramaasnews ay intaa ku darayaan in khilaaf iyo Isfahan waa soo kala dhex galay masuuliyiinta garabka isbahaysiga KULMIYE iyo masuuliyiinta xisbiga UCID oo uu u socday wada hadal,iyaga oo isku fahmi waayay qodobo ay garabku soo hordhigeen UCID oo ku salaysan hankoda siyaasadeed.

Iyada oo dhanka kalena wali aanay wax najiito ah oo kasoo baxday wada hadaladii u socday garabka isbahaysiga iyo masuuliyiinta xisbiga WADANI, sidoo kalena waxa iyaduna xusid mudan inaan ilaa hada al garanayn meesha ay si rasmi ah u sal dhigan doonaan garabku iyaga oo wali ku tiraabaya inay kamid yihiin xisbiga KULMIYE.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...