Tog Wajaale maamul loo magacaabo umay baahnayn ee waxay u baahnayd inay Gole Degaan yeelato waanay u qalantaa oo way is bixin kartaa. Golaha Degaanka ee Gebilay ayay wax ka doorteen dadka ku nool degmada Tog Wajaale hadii aanay wax masuuliyad ahiba ka saarnayn maxay ugu codaynayeen ma lugooyo?.
Gebilay way caamaysan tahay waayo iyada oo buuxin karta shuruudo kasta oo gobolnimo ayaa la yidhi oy raali ku yihiin Gobolka Gebilay waxay isku xuduud yihiin Degmada Gebilay. Taas oo macnaheedu yahay gobol bilaa degmo waa degmadii uun.
Gobolnimada Gebilay waxay rumoobi kartaa marka ugu yaraan ay yeelato sedex degmo oo mid walba ay golaheeda doorato oo kala ah:
1. Degmada Gebilay Grade A
2.Degmada Tog Wajaale Grade C
3.Degmada Allay Baday Grade C
Hadii kale Gobolnimada Gebilay waa maaweelada caruurta. Waxa loo baahan yahay in gobolnimadu aanay iska magacow uun noqonin ee la helo shuruudo miqyaas u noqon kara oo kii shuruudaha buuxin kara aan loo dabrin kuwo kale oon buuxin karin degmooyinka laftoodana sidaa iyo si la mid ah loo qiimeeyo.
Cali guray