Somalia: War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya

Date:

Waxaa maanta oo Salaasa ahn lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho, shirkii muddo saddex maalmood ah uga socdey Madasha sare ee Wadatashiga Qaranka,  taas oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha maamul goboleedyada iyo Madaxda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qodobada ugu muhimsan waxaa ka mid ah:

Guddiyada doorashooyinka ayaa ka koobnaan doona laba guddi oo mid yahay heer Dowlad goboleed.

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal waxa uu ka koobnaan doonaa 17 xubnood, 5 kamid ah waxaa magacaabeysa Dowladda federaalka, Dowlad goboleedyada ayaa midkastaa magacaabeysa 2 kamid ah guddiga.

Guddiga labad ee doorashada ee heer Dowald goboleed waxa uu ka koobnaan doonaa 11 xubnood 8 ka mid ah waxaa magacaabeysa Dowlad goboleedka halka saddex ay magacaabeyso Dowladda federaalka ah.

Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada ayaa gaaraya 13,750 ergay, waxaana soo dooranaya odoyaashii dhaqanka ee soo xuley Xildhibaanadii 2012, cidda ka nool ama metalaysa oo booskoodi gashey tirada Xildhibaanada ayaa gareysa 275 oo midkiiba laga doonayo in uu haysto ugu yaraan 50 cod, taas oo tirada guud ee codadka ka dhigeysa 13,750. Ergooyinka waxaa laga soo xulayaa beelaha Xildhibaanada tartami doona, tusaale haddii beeshu leedahay hal xildhibaan, waxaa ergada uga mid noqon doona 50 ergay. Waxaana kursi kastaa u tartami doona Xildhibaano dhawr ah oo isla beesha ah oo ay kala saari doonaan ergooyinkii odayaasha dhaqanku soo xuleen.

Hoggaamiyaasha ayaa isku raacayin doorashada Xildhibaanadu ka dhacaan caasimadaha Dowlad Goboleedyada. Waxaana la isku raacey in qoondada haweenku ay sideeti tahay 30%.

Xildhibaanada Somaliland  ayaa la isku raacey in lagu doorto halka ay isku raacaan odoyaasha dhaqanka ee ka kooban 135 oday ee soo xulaya ergooyinka wax dooranaya qaybta Somaliland uga jirta.

Sidoo kale madaxda Hoggaanka Qaran ayaa  isku raacay in shirka dastuurka qaran  uu ka dhaco caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana shirkaasi dhacayaa 10 -20 May 2016.

Hanaanka doorashada iyo qodobada ka soo baxay shirka Madasha sare ayaa la horgeyn doonaa baaarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya

Halkan ka akhriso War murtieedka oo dhan

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...