10% kharashka ciidamadda kala duwan
30% kharshka bixinta daymaha qaranka, baaqigana lagu daro miisaaniyadda sanadka 2017
30% biilasha daymaha taagan , baaqigana lagu daro miisaaniyada sanadka 2017
Hargeysa (Ogaal) Miisaaniyadda isticmaalkeedu bilowga yahay ee 2016 oo golaha Wakiiladdu ay dhawaan ansixiyeen ayaa durba qorshihii loo dejiyay wax laga bedelay, isla markaana waxa soo baxay qoraal amar ah oo 25% hoos lagu dhimay kharashka dawladda laga bilaabo kowda April.2016 ilaa 31.December.2016. Sidaana waxa sheegaya qoraal ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Ogaal.
Qoraalkan oo ku taariikhaysan 31.03.2016 laguna socodsiiyay Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, isla markaana ogaysiin lagu siiyay dhamaan golaha wasiiradda, hay,adaha madaxa banaan ee dawladda, shir gudoonka labada gole ee Baarlamaanka, xisaabiyaha guud iyo hantidhawraha guud, oo nuqul ka mid ah uu helay wargeyska Ogaal wuxuu u dhigan yahay sidan;
“Muddane Wasiir, markii aan xog ogaal u noqday in xaalada ba,an ee abaaraha dalka ku habsaday ay ka sii darayaan marba marka ka dambaysa, isla markaanaay duruuftu gaadhay heer ay bilaabantay in ay darxumo iyo diif u dhintaan duurjoogtii, duunyadii la dhaqanayay iyo dadkii noollaa intuba. Markii aan arkay xilka iyo masuuliyadda gaarka ah ee hogaamiye ahaan iga saaran aafadan umadda ku habsatay, in loo baahan yahay, si loo samata bixiyo in cudduda, cuudka iyo caqliga qaranka lagu jeediyo gurmadka abaaraha.
Markii aan arkay in ay dawladda waajib ku tahay, inay duruufta abaaraha ka gaysato gacan wayn ama taageero dhaqaale, taasoo u baahan ku talagal iyo qorshe cusub maadaama aanay hore miisaaniyadda qaranka ugu jirin. Markii aan darsay kharashka laxaadka leh ee dawladda kaga soo kordhay diiwaangelinta codbixiyayaasha, kaasoo ka baxsan ku talagalkii saamigii xukuumadda la saaray. Markii aan tixgeliyay warbixintii aad ii soo gudbisay ee farta ku fiiqaysay, in ku talagalkii dakhliga miisaaniyadda dawladdu hoos u dhac ku yimi xaaladda abaaraha darteed. Markii aan garwaaqsaday in loo baahan yahay in la sameeyo kharash dhimis, maadaama ay inala soo derseen culaysyada badan ee kor ku xusan.
Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad joojiso kharshyada hoos ku xusan, si loo sameeyo kharash dhimis iyo gunti giijis laga bilaabo1-da bisha April. 2016 ilaa 31-ka December.2016 (Kuwaartarka labaad ee miisaaniyadda 2016 ka).
- 25% kharshyada Wasaaradaha, Golayaasha, Qasnada Guud iyo Hay,adaha madaxa banaan ee miisaaniyadda 2016ka ku soo arooray.
F.G: Kharshyadaa waxa ka reeban:
- Kharshka nabadgelyada
- Kharshka gurmadka ciidanka
- Kharashka magaha
- Kharshka lama filaanka iyo gurmadka
- Kharshka isticmaalka Nalka iyo Biyaha
- Kharshka Diiwaangelinta Dadweynaha
- Kharashka iibsiga wargeysyada iyo buugaagta
. Kharashyada yaryar ee xafiisyada dawladda
. Kharshka Stationery-ga
. Saamiga dawladda ee mashruuca JPLG
. Fuel Levy-ga wadooyinka
. Dhismaha mashruuca wadooyinka ee Export Livestock Levy
. Kharshka kabka goboladda bariga(Xisaabta 2% ee goboladda bari)
. Kharshka daabacaada dekumentiyada, lacagaha, liisamadda gaadiidka iyo iwm.
- 10% kharashka ciidamadda kala duwan, marka laga reebo :
. Raashinka iyo wixii la mid ah
. Iibsiga qalabka ciidamadda
- 100% kharshka dhismayaasha cusub iyo mashaariicda horumarka ee miisaaniyadda 2016 ka.
- 30% kabka dawladaha hoose
- 30% kharashka kaalmooyinka guud
- 30% kharshka bixinta daymaha qaranka ee sanadka 2016 ka, baaqigana lagu daro miisaaniyadda sanadka 2017.
- 30% biilasha daymaha taagan ee wasaaradaha, baaqigana lagu daro miisaaniyada sanadka 2017.
- 30% dhismayaasha socda ama dhamaaday, baaqigana lagu daro miisaaniyadda sanadka 2017.
- 20% kharashka kaydka qaranka.
- 10% kaalmooyinka kale ee qaranka.
- Iibsiga gaadiidka cusub.”
Falanqaynta Qorshaha
Haddii uu qoraalkan amarka ahi sidaa sax ku yahay, si loo gaadho xaqiiqda loona hubsado wixii saamayn ku leh, waxa khasab ah in laga duulo waydiimahan; Imisa ayay ahayd miisaaniyadii 2015? Ma jirtay lacag dheeraad ka ahayd miisaaniyadda oo Samaale ku wareejiyay Wasiir Samsam? Haday jirto imisay ahayd? Miisaaniyadda 2016 waa imisa, miyay ka badantay taa hore mise way ka yar tahay marka qorshahan loo eeggo? Xaggee loo qorsheeyay inay ka timaado? Meelihii loo qorsheeyay ma wax baa iska bedelay? Madaxda maaliyaddu sharaxaad noocee ah bay ka bixiyeen markay horjoogeen wakiiladda? Sida ku cad warqadda qoraalka ah Madaxweynuhu wuxuu amarkan soo saaray kadib markii Wasiirka Maaliyadu ku wargelisay in dakhligii is dhimay, siduu isu dhimay? Halkuu iska dhimay? Xeelad kale ma ku lamaan tahay in isla bilowgii miisaaniyadaba odhaahdani soo baxdo? Ha soo baxdee ma waafaqsan tahay wixii ay ka sheegeen golaha wakiiladda hortiisa? Sababaha loo sibirsaaray qorshaha cusubi ma yihiin qaar loo daliishan karo? Musuq ma ku jirraa mise loo socdaa? Maxaa sanadkii oo dhan loogu saleeyay qorshahan iyadoo moosinka xajku yahay xilliga dakhliga ugu badani soo hoydo? Aqoonyahanka dhaqaaluhu siday u arkaan? Siyaasiyan maxaa lagu tafsiiri karraa? Abaaraha ma lagu xusay miisaaniyadda 2016 mise laguma xusin? Maxaa xukuumadda kaga baxay gurmadka abaaraha? Maxaa gaadhay dadka? Xagay ka yimaadeen waxa gaadhay?
Baadhista iyo baadigoobka jawaabaha runta ah ee qodobaddan iyo qaar kale oo badan ayaa sal u noqon doonna lafagurka iyo falanqaynta mawduucan.