Somaliland: Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Amray In Aan Shaqaale loo qaadan Karin Qofka aan Haysan Kaadhka Aqoonsiga Dalka.

Date:

Wasiirka Wasaarada  Arrimaha Gudaha Somaliland  Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde Ayaa  Maanta  Soo   Saaray   Wareegto   Galo  Amrayo  Dhamaanba  Hay’addaha Dawliga Ah Iyo Kuwa Madaxa BanaanLaga Bilaabo Maanta Oo Taariikhdu Tahay 01/04/2016 Kuwaasi  Oo  Lagu Wargalinayaa Dhamaan Hay’addaha Dawliga Ah Iyo Kuwa Madaxa Banaan In Adeegyada Ay Bixinayaan Ee Ay U Qabanayaan Muwaadiniinta Haday Tahay Sharciyada Dhulka, Liisanada Baabuurta, Iskuulada, Jaamacadaha, Cisbitaalada, Hudheelada, Xawaaladaha, Macradada Baabuurta Lagu Iibiyo Ama Lagu Kireeyo, Iyo Dhamaan Wixii Adeega Ee Laga Fulinaayo Dalka Gudihiisa Waxaa Waajib Ah In Lagu  Xidho Aqoonsiga Muwaadinka Ee (Id Card-Ka Muwaadinka), Si Loo Sugo Qof Adeega Loo Samaynaayo Cida Uu Yahay Iyo Waxa Uu Qabto.

Wareegtadan  oo  dhamays tiran ayaa waxa ay  u  qornayd  sidan hoos ku  xusan:-

 

KU: DHAMAAN HAY’ADDAHA DAWLIGA AH IYO KUWA MADAXA BANAAN                                 =XARUMAHOODA=

OG: MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                         =HARGEYSA=

 

UJEEDO: WAREEGTO WASIIR NO: 01/2016

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu

Markuu Arkay:                          baahida loo qabo in la kala saaro Muwaadinka iyo Dadka Ajaanabiga

Markuu Arkahy:                        baahida loo qabo ilaalinta Nabadgalyada Dalka iyo Muwaadiniinta reer Somaliland

arkuu garawsaday:                  in ay lagama maarmaan tahay in dhamaan Hay’addaha Dawladu iyo kuwa madaniga ahba in ay ku dhaqmaan meeelmarinta iyo fulinta shuruucda Dalka.

 

Wuxuu Amrayaa

Laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay 01/04/2016 waxaa lagu wargalinayaa Dhamaan Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa Madaxa banaan in Adeegyada ay bixinayaan ee ay u qabanayaan Muwaadiniinta haday tahay Sharciyada Dhulka, Liisanada Baabuurta, Iskuulada, Jaamacadaha, Cisbitaalada, Hudheelada, Xawaaladaha, Macradada Baabuurta lagu Iibiyo ama lagu kireeyo, iyo dhamaan wixii Adeega ee laga fulinaayo Dalka gudihiisa waxaa waajib ah in lagu  xidho Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID card-ka Muwaadinka), si loo sugo qof Adeega loo samaynaayo cida uu yahay iyo waxa uu qabto. Dadka Ajaanibka ah ee ku sugan Dalka gudihiisa iyagana waxaa lagu xidhayaa Aqoonsiga Dal ku jooga ay bixiso Waaxda Socdaalku (Immigration), sidoo kale cidii sidata Baasaboor iyo Dal ku gal(entry Visa) aan wakhtigiisu dhicin qofkii aan sidan Aqoonsi Cidii adeeg u fulisa waxa uu noqonayaa Dambiile Qaran waxaana laga qaadayaa Talaabo sharciga waafaqsan.

 

Sidoo kale dadka ku dhex safaraya Dalka Gudihiisa waa in lagu xidhaa Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID Card-ka), isla markaana shaqaalaha ka shaqeeya dhamaan xarumaha Ganacsi iyo xarumaha Dawladu waa in ay haystaan Aqoonsiga Muwaadinka ee ID Card-ka, cid kasta oo shaqo siisa qof aan haysan Aqoonsi waxa uu noqonayaa dambiile.

Sidaas darteed, laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxaa waajib ah ku dhaqanka wareegtadan.

 

ALLAA MAHAD LEH

CALI MAXAMED WARAN-CADE

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

 

 

Awo Mohamed Abdi

Head of Media Monitoring,

Ministry of Interior,

Republic of Somaliland

Contact Details:

Phone: +252 63 4500217

wa-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...