Al-Shabaab oo dad badan ka qafaalay tuulooyin ka tirsan gobolka Baay

Ururka al-Shabaab ayaa lagu soo waramaaya in dad badan ka qafaaleen degmo ka tirsan gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Goof-gaduud Axmed Maxamed Adan ayaa saxaafadda u sheegay in degmada tuulooyin hoos yimaada maleeshiyaad ka tirsan ururka ay ka afduubteen dad ku dhow 50-qof.

Wuxuu sheegay in dadkaas ay isku jireen xoolo dhaqato iyo beeralay, waxaana uu ku eedeeyay al-Shabaab in dadkaas ay afduubteen ku rabaan in ay helaan lacago madaxfurasho.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ururka mintidka ee xiriirka la leh shabakadda al-Qaacida.

Kooxda al-Shabaab ayaa weli ka taliya qeybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya iyagoo u badan degaanada miyiga ah.

Source:Horseed Media

Comments

comments