Somalia: Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya

Waxaa lagu wadaa in dhawaan uu ka fumro Muqdisho shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka 2016 iyo Heshiiskii Puntland la gashey Dowladda federaalka ee ka dhacay magaalada Garoowe oo qodoba qaarkood u dhignaayeen kuwo u baahan in madashu kawada hadasho.

Madasha Wadatashiga Qaran waxaa ku mideysan Saddexda masuul ee u saraysa Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu ka furmo xarunta Xalane ee beesha caalamku ka degan tahay Muqdisho, waxaana ka soo qaybgalaya Safiiro ka socda Beesha caalamka.

Qodobada ugu muhimsan ee shirkan la doonaayo in la isla meel dhigo ayaa ah

– Sameynta jadwalka Doorashooyinka 2016
– Halka ay doorashadu ka dhacayso
– Ansixinta Tubta Khariidada 2020

Comments

comments